Kaydka Sawirada, Wararka Gudaha

Sawirro: Al-Shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Drone Ah oo Kusoo Dhacday Sh/Hoose.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad Drone ah, gaar ahaan ah kuwa wax basaasa, kadib markii ay kusoo dhacday degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaaraddan oo maalmihii lasoo dhaafayba ku dul wareegeysay bulshada ku dhaqan degaanka ayaa mar qura laga war helay soo dhicitaankeeda, waxaana isku gadaamay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, oo gabi ahaanteedba la wareegay.

Maamulka islaamiga ah ee Shabeelaha Hoose ayaa saxaafadda usoo bandhigay diyaaraddan ku hawlanayd basaasidda degaanka, siiba waxaa ku dhib qabay dad weynaha kolka ay Suuliga ama Musqusha aadayaan.

Diyaaradaha noocan ah ayaa dhaqaale badan ugu fadhiya Mareykanka waxayna u muuqataa mid laga soo diray xerada Ballidoogle. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay diyaarad noocan ah Wilaayaadka Islaamiga ah uga soo dhacdo Mareykanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*