Wararka Dibadda

Suudaan: Weerar Ay 7 Ku Dhinteen 70 Kalena Ku Dhaawacmeen oo Lagu Qaaday Xaflad Aroos.

Wararka naga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa waxay sheegayaan in qarax lagu weeraray xaflad aroos oo ka dhacaysay bariga caasimadda wadanka Suudaan ee Khartuum.

Qaraxan ayaa waxa uu sababay dhimashada 7 qof, 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu qarxiyay goob aroos oo ku taalla aagga “Shaqla”, ee caasimadda Suudaan, Khartoum.

Sida laga soo xigtay booliiska dalkaas, qaraxii dhacay halkaas, waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay daraasiin, oo ay ku jiraan caruur iyo dhallaan..

Bamka ayaa qarxay ka dib markii qof ku tuuray xafladda arooska, sida ay boolisku sheegeen.

Dhaawacyada waxaa loo qaaday isbitaalada iyadoo ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo faahfaahinta shilka iyo ujeedkiisa.

Dhinacooda, warbaahinta maxalliga ah ayaa sharraxay in ujeeddadda qofka weerarka geystay ay la xariirto, khilaaf qoys, waxaana jira muran badan oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*