Wararka Dibadda

Mareykanka oo Sheegay In Duqeyntii Iiraan Ee Ciraaq Ay Uga Waasheen Askar.

War kasoo baxay aqalka looga taliyo Mareykanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in 34 ka tirsan ciidamada Mareykanka laga helay dhaawac maskaxda kadib weerar gantaal oo ay Iran ku qaaday saldhigga Caynul asad ee Ciraaq horaantii bishaan.

Fiidnimadii 7-dii Janaayo, ayay ahayd markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday saldhigyada Mareykanka goortaasoo iiraan ay sheegtay iney ka jawaabaysay dilkii suleymaani.

Mareykanka ayaa u muuqda inuu qarinayo khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray.

Todobaadkii lasoo dhaafay afhayeenka aqalka Mareykanka wuxuu sheegay in 11 askari ay dhab ahaantii la ildaran yihiin miyir beel.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Hoffman wuxuu xusay in astaamaha askartu ay la kulmaan ay ka mid yihiin “madax xanuun, madax wareer, cuncun yarida, iftiin iyo lallabbo.”Xaaladaha qaarkood, astaamahan si dhakhso leh ayaa loo waayey, laakiin meelaha kale way ka sii dartay, oo askartana waa la daadgureeyay.

Fiidnimadii 7-dii Janaayo, Tehraan waxay gantaalo ku garaacday saldhigyada Assad (Galbeedka) iyo Erbil (Waqooyiga), halkaas oo tiro ka mid ah 5,200 oo askar Mareykan ah ay ku sugan yihiin Ciraaq, si looga jawaabo dilka taliyihii ciidamada Quddus ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Qassim Soleimani. .

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*