Maqaallo, Wararka Gudaha

Dhibta Waddanka ka jirta ma Alshabaab baa ka masuul ah? /WQ Wadaad Yare.

Adduunyada kale marka dhibaato soo foodsaarto waxaa la sameeyaa research (cilmi baadhis) waxaana la gorfeeyaa halka dhibtu ka timid markii la ogaado waxaa dhibka keenay ayaa la raadiyaa solution-ka ama xalka.

Haddaba dhibta waddanka maxaa keenay?. Yaase ka mas’uul ah? ma rabo in aan adeegsado hal aayad oo quraanka sharafta badan ee rabbigeen ah mana rabo in aan soo qaato hal xadiis oo ah kuwa saxiixa ah. Macnahaygu ma ahan in aan ka hor jeedo axaadiista rasuulka iyo kitaabka rabbigeen, xaashaa!, balse waxa aad ogaataa in maalintii nebi muxamed CSW lagu yidhi tolkaa u dig wixii u horreeyay ee uu u sheegay wacdi ma ahayn aayad ma ahayn wanaag kale ma ahayn. Kolkii uu u dhawaaqay kadib waxa uu ku bilaabay haddii aan idin yidhaahdo buurtan gadaasheeda col baa ku sugan ma iga rumeysanaysaan, waa kuwii ku yidhi haa, sababtoo ah been waligayo kaaga maannaan baran.

Akhristoow waxaan arkay dad badan oo raba in diinta laga baxsado sidaas daraadeed maqaalkan waxa aynu ku qaadaa dhigi doonnaa waxa soomaaliya ka jira, si caqli ah oo la wada fahmi karo baynu u gorfeyn doonnaa haddii Alle idmo.

kolkaa waxa aad ila fahmi doontaa dhibta taagan ma shabaabka ayaa keenay mise waa wax soo taxneyd tobannaan sano,Runtii waa su’aal aqoon ah oo u baahan in waxgaradka soomaaliyeed ay gorfeeyaan oo aan hal maqaal lagaga bixi karin. Ummad marka dhibteeda la baadhayo oo la eegayo ciriqa dhibtoodu halka uu ka soo jeedo waa in la yaqaannaa sooyaalkeeda taariikheed, sheeko xariirooyinkooda waana in la dersaa hab fikirkooda.Haddaba maxaa u asal ah dhibaatada soomaaliya?.Qofka addoonka ahi marka uu ogaado in la gumeysto waa maalinta ay xornimadu u bilaabanto, haddaba aynu isla eegno qodobada ay dhibta soomaalid la xidhiidho.

Cadaw dibadeed iyo qabyaalad isbiirsadey.

Adduunka markii la taagay ee bina aadam la abuuray hawlna waa lala abuuray, bina aadam la aragyaaba dhib la arag. Markasta oo bina aadam yimaado kibir waa jirayaa haddii aan la helin sharci xakameeya, dadku waa laba nooc qaar askarta ka baqda iyo kuwo ilaahay ka cabsada. Kuwii alle ka baqanayay xuduudkooda waa ay garanayaan oo ma soo dhaafaan balse kuwa askarta ka baqdaa waa weji ka cabsade kuwaas baana sida dhabta ah loo sameeyay jeelasha si ay u joojiyaan xadgudubka iyo dulmiga.Akhristoow dulmiga iyo eexda qaraabo-kiilka ku dhisani waa tiir kamida dhibka soomaaliya. Qabyaaladda oo aynu dhibkeeda naqaano waxa ka faa’iideystay cadawgii soomaalida ee soo jireenka ahaa ee itoobiya. Itoobiya waa “church state” waa dawlad kiristaan ah, base-keeda dhabta ahina waa kiniisada kolkaa innaguna halkii aynu ka noqon lahayn Mosque State ama ummad masaajid, waa aynu ka tagney oo waxa aynu nidhi diinta masaajidka halooga soo tago taasoo noqotey caqabad iyo iilasho weyn. Labadaa sababood ee isa saaran shabaabku uma sabab aha oo markii aynu democracy-ga qabiilka ku dhisan qaadannay ma ay jooginba, eexna iyo qaraabo kiilna kuma dhaqmaan oo nidaamkooda cidkastaa waa iska dhex arki kartaa.

Waxbarasho iyo manhaj leexsan

Waxbarashada waa helidda ama kasbashada aqoon, xirfad, dhaqan iyo caqaa’id ama aaminaad. Dariiqooyinka wax loo bartaa waa kala duwan yihiin sida akhris, la sheekeysiga dad waaweyn oo waayo arag ah, shabakadda internetka iyo wixii lamida.

Waxbarashada si guud waxa loo qaybiyaa saddex qaybood. Waxbarasho toos ah, waxbarasho dadban iyo waxbarasho laga barto tajaariibta nololeed. Afka qalaad waxa ay ku noqonaysaa Formal, Non-formal and Informal education.

Waxbarashada tooska ahi waa tan laga soo bilaabo dugsi hoose ee la wado illaa jaamacad si xidhiidh ah, waxbarashada dadban waxa sida badan barta dadka waaweyn ama baadiyaha ku raagay waxaanay la tacaluqdaa barashada dawaarka, korontada, biyo galinta iyo guud ahaan xirfadaha sida cillaan-saarka(xinnaha).

Waxbarashada lagu barto tajaariibtu waa aqoon maalmeedka, tusaale ahaan barashada waddo udhaw dhanka suuqa oo kale oo aad maalin si lama filaan ah u tijaabisay, Raadiye dhageysasho Joornaal akhriyid IWM. Haddaba inaga waxbarashada inaga qaldantay waa Waxbarashada-Tooska ah (Formal education). Manhajkeena Waxbarashada Tooska ah taniyo wakhtigii burburka waxa gacanta ku qabatay hay’adaha shisheeye sida UNESCO taas oo inoo dejisa silibiska. Akhristow bal u fiirso jaamacadaha soomaalida. Waxa lagu qaataa waxa ay u badan yihiin kulliyadaha hoos yimaada waxa loogu yeedho Business Administration. 80% ama 90% ardayda soomaaalida waxa ay kasoo baxaan sannad walba waxyaabo ku saabsan ganacsiga, waa marin habaabin dadka soomaaliyeed la rabo in lagu dago ka daba ordidda dhaldhalaalka adduunyada taas oo khilaafsan qiyamkooda akhlaaqeed iyo soo jireenkooda taariikeed. Malihi yaan la baranin kulliyadaha la xidhiidha Business-ka gebi ahaanba balse waxa aan leeyahay noloshu ganacsi ka badan ee wax iska dhicin baynu u baahannay, waxkasta oo intii la rabay laga badiyaana waa qiimo beelaan.

Faylasoof reer baakistaan ahaa ayaa odhan jirey “waxbarashadu waa aysiidh kolkaa qofka adigaa qaabeysan kara” islamarkaana aqoon yahan hindiyaan ahina waxa uu lahaa weedh odhanaysa “Fircoonkii reer masar ee ilaahnimada sheegtay doqon buu ahaa, intii uu carruurta reer banu israaiil laynayay muu dugsiyo aqooneed u furo kolkaa waxa u soo bixi lahaa jiilka uu rabo”.

Haddaba manhaj la’aanta soomaaliya ka jirtaa waa tiir kamid ah burburka dhaqan-dhaqaale iyo ilbaxnimo. Muqarrarkeena waxa inoo daabacdey UNICEF ama haayada waxbarasho ee UNESCO taasoo lafjab ku noqotay in ay soo baxaan jiil u fakiraya si togan, waana rukni kamid ah burnurkeenna shabaabkuna masuul kama ahan.

Tahriibta

Tahriibtu waa socdaalka uu qof kaga gudbo waddan oo uu ku tago waddan kale isagoo naftiisa biimeynaya. Tahriibku sida badan waxa uu ka dhacaa dhulalka muslimiinta. Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay isweydiiyan dhibaatada waddanka iyo qof nolol raadsadey maxaa kala galay?
Haddaba tahriibku waa waxa dhammeeyay dhalinyaro badan oo soomaaliyeed islamarkaana waddanka wax uun u qaban kari lahaa. Maahmaah soomaaliyeed baa tiraahda “Rag waxtar yari mooyaane waxmatare maleh” boqolaalka soomaaliyeed ee dhintay, kuwa lacago badan laga qaaday ee badbaaday iyo kuwa haddaba yurub daroogada ku bartey saameyn wayn bay ku leeyihiin dhibta waddanka ka jirta. Maxaa keenay haddaba tahriibta?. Dhowr sababood baa keenay oo ay ugu weyn yihiin Amni xumo iyo Shaqo la’aan.

Haddaba labadaas yaa ka masuul ah. Waagii waddanku lixda bilood nabadda ahaa ee wadaaduhu ka talinayeen kolkii lagu soo duuley ee la baaba’shay waatii laysugu tagay Asmara Caasimadda ereteriya Markaas baa nimanka loogu yeedho beesha caalamku ay yidhaahdeen “Itoobiya iyo adeegahooda cabdullaahi yuusufba waanu saareyna balse waxa aanu keenaynaa ciidamo kale oo Afrikaan ah.

Sheekh Xasan Daahir baa weydiiyay sowta hadda dalka iyo intey wadaaduhu ka talinayaan nabad tahay. Kolkaasaa loogu jawaabay idinkaan waddanka idinka ilaalinaynaa. Bal markaas akhristoow isweydii amni xumada yaa ka wada waddanka? Haddii nabad la rabo maxaa xilligii muqdisho ay nabadda ahayd waddanka loogu soo duulay. Gaal baa laga sheegay xilligaas “muqdisho waa nabad laakiin nabaddii aan rabnay ma aha!”.

Aan usoo noqdo shaqo la’aanta, yaa ka masuula shaqo la’aanta jirta, ma wadaadaha soomaaliyeed ee halgamaya mise shisheeyaha. Waagii burburka illaa iyo hadda haddii beeralaydu ay galley beertaan ama dalagyada kale reer galbeedku waxa ay soo daabuli jireen maraakiib masago ah si beeraleyda soomaaliyeed ee wax beerataa u niyad jabaan oo ay sanadaha dambe u beertaan dalag fudud ama way iskaba daayaan beerashadii oo halkaasey ku shaqo beelaan. Kaasi waa tusaalaha ugu fudud. Labadaas qodobna waan isla garanney cidda ka masuulka ah.

Rumaysiga degdega ah iyo illawsho dhawaanta

Waatii aynu hore usoo sheegnay haddii la rabo in ummad la darso waa in sheeko xariirooyinkooda la yaqaannaa. Sababtoo ah sheeko xariiradu waxay ay ka turjumaysaa hab fikirka ummaddaas. Haddaba sheeko xariir soomaaliyeed tan ugu caansan ama kamid ah kuwa ugu caansan baa waxay leedahay: Beri baa waxa jiri jirey diin iyo dacawo, maalin maalmaha kamid ah ayaa ay beratameen kolkaas ayaa dawacadii qodaxi mudday. Dawacadii baa u qayshatay diinkii oo tiri “waar diinoow qodaxda iga goo” diinkii baa ka gooyay, haddana dawacadii bay qodaxi mudday, markaas bay markale u qayshatey diinkii “waar diinoow iga goo” isna waa uu ka gooyay laakiin ugu dambaystii diinkii bay qodaxi mudday dawacadii buu u yeedhay “naa dacawooy iga goo” way diiday oo way ka carartey. Diinkii baa qodaxdii iska jarey. Kadib sidii loo ordayay baa la helay laba guri. Diinka gurigiisii waxa uu ahaa mid si fiican u agaasiman oo heersare ah balse dacawadu guri daldaloola waa roobku kasoo gudbayo ayay heshay. Dabadeeto diinkii ayay dab u doonatey, diinkii inta uu illaabey wixii hore ayuu dabkii siiyay.

Dacawadu markasta oo dab la siiyo daadka ayay raacisaa haddana dab bay usoo doonataa ugu dambayntii diinkii bay ku tiri aan kula seexdo isna waa uu u ogolaadey. Kadib waatii kaga kaadiday furaashkii. Isna ugu dambayntii dab buu ku qabtey.

Akhristoow sida sheekadaas looga dhadhansanayo illawshaha dhow ee diinka sidaas oo kale ayaa bulshada soomaaliyeedna u tahay mid markiiba u illawda siyaasigii dhibka gaadhsiiyay ee ku ciyaaraymasiirkooda.

Waxa aan qoraalkeygan kusoo afmeerayaa sheeko kale oo ka hadlaysa sida fudud ee soomaalidu beenta u rumeysato.Beri hore ayaa wiil meel dhexaad ahi uu damcay inuu carruur meel ku cayaareysa kubbad uu ka khiyaameeyo baloonigooda cusub, dabadeed waxa uu allifay been si uu kubadda u qaato.
Carruurtii baa uu isugu yeedhay waxa aanu ku yidhi: Sow ma ogidiin in suldaanka magaaladeenna haystaa uu maanta macsuumad weyn u samaynayo dadka magaalada ku nool oo hadda gurigiisii saf-saf loo gelayo. Ciyaalkii waa ay rumeysteen kolkaasey u yaaceen dhankii guriga suldaanku ka xigay.

Intii ay magaalada sii dhex ordayeen ayaa dadkii magaaladu weydiiyeen xagga ay ku ordayaan, markasta oo la weydiiyo waxa ay yidhaahdaan maanta suldaankii baa casuumad samaynaya oo aanu ka gaadheynaa. Muddo yar kadib waxa dhacdey in magaaladii oo dhami is hor tubaan gurigii suldaanka, suldaankii waa uu naxay waxa aanu bilaabay in uu ilaaladiisii heegan geliyo si ay u ilaaliyaan. Ugu dambayn dadkii waxa uu weydiiyey waxa ay rabaan, waxa ay u sheegeen in casuumad suldaanku samaynayo kadibna ay sidaa guriga ku yimaadeen. Odayga suldaanka magaalada ahaa oo faraxsan dhanka kalena dhidid wayni ka yimid ayaa yidhi “yaa warkan idiin soo sheegay?” sidii qoloba qolo kale farta ugu fiiqeysay baa la soo gaadhey carruurtii. Cabbaar markii la eeg eegay hareeraha ciyaalkii waxa ay arkeen ninkii beenta u soo sheegay, ninkii beenta sheegay isaga laftarkiisii baa rumeystey beentii oo yimid gurigii suldaanka si uu casuumadda qayb uga helo. Kolkaa beenaalihii ayaa la qabtey oo la xidhay. Umadda soomaaliyeed waa ummad hadal oowaxa ay u nugul yihiin in ay beenta si fudud u rumeystaan.

W/Q: Wadaadyare

Qoraa iyo Falanqeeye Siyaasadeed

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*