Wararka Dibadda

Sarkaal Kenyaan Ah oo Is Daldalay Kadib Markii Noloshu Ku Adkaatay.

Sarkaal hore uga tirsanaan jiray Qeybta Adeegga Guud (GSU) ayaa isku daldalay Kenya, gaar ahaan Kaptekiamo ee Waqooyiga Baringo, kadib markii sida la sheegay shaqada laga ceyriyay.

Mark Kirui, oo 45 jir ah, waxaa laga ceyriyay Adeegga Booliska Qaranka afar sano ka hor.

Taliyaha booliska ee gobolka Baringo Robinson Ndiwa ayaa sheegay in Kirui uu isku dilay meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa.

Maydka ayaa la helay isagoo qalalay oo kasoo laalaada geed baxaya, iyadoo dhaqaatiirtuna baaritaano ku sameeyeen.

“Sarkaalkii hore ee GSU wuxuu isu geystey ismiidaamin isagoo sheegay inuu la kulmay caqabado dhaqaale kadib markii shaqada laga ceyriyay,” ayay tiri Ndiwa.

Qoraal dardaaran ah oo laga soo helay gurigiisa, ayuu sarkaalka is daldalay ku sheegay in noloshu aysan sahlaneyn tan iyo markii shaqada laga ceyriyay.

Kirui wuxuu kaloo cadeeyay in markii shaqada laga eryay kadib, uu u waayay qof talo siiya oo ku dhiiri galisa inuu la qabsado nolosha, oo ay kujiraan asxaabtiisa iyo xubnaha qoyskiisa.

“Aad ayaan uga xumahay dhamaan qoyska iyo bulshada guud ahaan dhimashadayda” ayaa kamid ah erarada uu qoray.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Adeegga Booliska Qaranka iyo Taliyaha Guud ee Booliska Hilary Mutyambai in aysan socodsiin xuquuqdiisa kadib markii shaqada laga joojiyay.

Kirui wuxuu cadeeyay inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeeyay adeegga afar iyo toban sano.

Intaa waxaa sii dheer, wuxuu ka codsaday xubnaha qoyskiisa iyo bulshada guud ahaanba inay daryeelaan afarta caruurtiisa ah.

Maydka waxaa soo qaaday saraakiil boolis ah waxaana loo qaaday Kabarnet Hospital Morgue si loogu sii wado baaritaanka.

Saraakiisha iyo ciidamada Kenya ayaa ah calooshood u shaqeystayaal aanan mabda” lahayn kuwaasoo is dila haddii ay xaaladdu ku adkaato.

Sannadkii lasoo dhaafay waxaa dhowr jeer is daldalaad sameeyay saraakiil iyo ciidamo laga soo celiyay Soomaaliya, kuwaasoo dagaalada Al-Shabaab ka qaaday xanuunada dhimirka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*