Maqaallo, Wararka Gudaha

Wasiir Maareeye oo Ku Abaal Dhacay Dadkii Soo Koriyay Ee Ka Badbaadiyay Abaartii Daba dheer: Qore Yuusuf Abroone Abuukar.

Qormadan waxaa igu dhaliyay kadib markii aan arkay duqeymo uu Mareykanku ku dilay dad maati ah oo uu ku jiray maamulihii shirkadda Hormuud ee Jilib iyo sida uu dhacdadaasi uga hadlay Wasiirka Warfaafinta DFS, Maxamad Cabdi Xayir (Maareeye) una bogaadiyay Africom in ay gumaaddo haweenka iyo carruurta.

 

Halkan waxaan kusoo gudbinayaa macluumaad badan oo aysan ogeyn inta badan dadka Soomaaliyeed anigoo uga dan leh inaan soo bandhigo heerka ay gaarsiisantahay abaal la’aanta (jisaar) Wasiir Maareeye iyo sida uu dhanka kale uga fog yahay xishoodka, bani’aadannimada iyo sarriigashada.

Taariikh Kooban

 

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxa uu ku dhashay magaalada Caynaba ee Gobolka Togdheer sannadkii 1970-kii, 4 sano kadib dhalashadiisiina waxaa dalka ka dhacday abaartii caanka aheyd ee ‘Daba-dheer’ waxaana uu kamid ahaa dadkii ay Dowladdii Soomaaliyeed kasoo daad gureeysay deegaanadii ay ku noolaayeen ee la dajiyay Koofurta Soomaaliya.

Maareeye iyo ehelkiisii waxaa la dajiyay gobolka kheyraadka badan ee Jubbada Dhexe gaar ahaan Dijuuma iyadoo lagu daray qoysaskii barakacayaasha ahaa. Alle haka ajar siiyee waxay dadka ku dhaqan gobolkan sameeyeen gurmad badan gaar ahaan waxaan xasuustaa haweenka oo usoo uruuriyay alaabo (maacuun) aad u tiro badan iyo dhar.

Carruurtii uu Maareeye kamid ahaa waxaa lagu taageeray waxbarasho iyo daryeel caafimaad halka dadka waaweyn la siiyay shaqooyin iyo dhul beereedyo ay wax kasoo saartaan si ay uga maarmaan gurmad iyo mucaawino joogto ah.

Inkastoo aan hadda Yurub ku noolahay haddana waxaan xilligaas ahaa nin ganacsi ku leh degmooyinka Saakow iyo Jilib waxaana arki jiray Maareeye oo ah kuray firfircoon oo dadka indhaha faraha ka galiya islamarkaana la sheegayo inuu kamid yahay dadkii ay abaartu saameysay ee laga keenay gobolada Waqooyi.

Dhabtii anigu markaas waan u duceeyay sababtoo ah wuxuu ka xanuunsanayay faruuryaha sida haddaba laga dareemi karo, dadkii joogayna way xasuusan karaan, hayeeshee muddo kadib wuxuu noqday nin ganacsiga dhex gala isagaoo degmada Saakow ka kireystay qol, soona dhigtay Taar (Halo halow) ay dadku iskula hadli jireen, sababtoo ah ma jirin Isgaarisinta maanta ee casriga ah. Aniga qudheeda ayaa kamid ah dadkii Tarka ka dirsan jiray xaruntiisa, aad ayaana u xasuustaa codkiisa oo ahaa mid dheer oo mehradaha kale laga maqlayay. (wareeg-wareeg, 2 u wareeg…)

Maareeye wuxuu ahaa nin dadaal badan oo wuxuu shaqadaa uga sii dallacay ganacsiga Bakhaarada illaa uu ku xirmay suuqa Bakaaraha, muddo kadib-na wuxuu uga sii xuub siibtay hey’adihii Reer Galbeedka ee ka hawl gali jiray Jubbooyinka.

Abaal Laa’aan

 

Halkii laga doonayay inuu xasuusto abaalkii loo galay ayaa wuxuu ku beddelay cadaawad aad iyo aad u fool xun markii isagoo Wasiir ah uu soo saaray Warsaxaafadeed uu ku sheeganayo in ay iyagu ka dambeeyaan dilka maamulihii shirkadda Hormuud, Maxamuud Xaaji Salaad, xilli Maxamuud Aabihii, Xaaji Salaad uu kamid ahaa Dowladdii Kacaanka walibana uu kaalin weyn ku lahaa gurmadkii loo sameeyay dadkii barakacayaasha ahaa ee uu Maareeye ku jiray.

Carabtu waxay ku maahmaahdaa (Eygaaga Cayili Haku Cunee)

 

Run ahaantii waa nasiib darro in uu dhiiggooda ku faano dadkii uu canshuurtoodii iyo dalaggoodii kusoo koray. Abwaan Banaadiri ah ayaa wuxuu oran jiray: Abaal ninkii galo haddii la gooyoon loo gudeyn, Goortuu god galo maa garabkiisa la joogsahaa.

Wasiirku wuxuu naftiisa ku nabay dambi uu geystay Mareykanka, waxaana ay tani isoo xasuusisay ganacsade caan ah oo ku noolaa Imaaraadka carabta oo qabay xanuun laga daaweyn waayay oo ah inuusan ceshan karin neefta, middeeda aan afka kasoo bixin.

Arrintan ayuu ganacsaduhu ceebsaday kolka uu bulshada ku dhex jiro, sidaa darteed wuxuu sameystay nin markii ay isaga riixda kasoo fakataba sheegta oo yiraahda “waa aniga qofka dhuusay” xaqiiqdii ma garanayo waxa Maareeye ku kallifaya inuu isku nabo xasuuqa uu Mareykanku u geysanayo dadkii isaga galladda ku lahaa.

Waxaan is lahaa wuxuu wax ka baran doonaa gefkii uu Wasiirkii hore ee Warfaafinta Eng: C/raxmaan Yaroosow u geystay beesha Habar-Gidir, markii uu ‘argagixiso’ ku tilmaamay 11 qof oo ay carruur iyo haween ku jireen oo uu Mareykanku ku xasuuqay degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose, laakin sida muuqata inuu wax ka barto iska dhaafe waa uu kasii daray.

Maareeye iyo Haweenka Soomaaliyeed

 

Maareeye waxaa kale oo aan ku qoonsaday inuu si toos ah Mareykanka ugu dhiira galiyay gumaadka Haweenka iyo carruurta maadaama uu sheegay in dumarku qeyb ka yihii ‘Argagixisada’ hadalkiisaas kadibna wuxuu Mareykanku dil iyo dhaawacba u geystay hooyooyin waayeello ah oo ay u dambeysay qof 70 sano jir oo uu shalay ku duqeeyay degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose taas oo uu la dhaawacmay wii yar oo dugsi Qur’aan dhigta.

Dumar abriyo ah oo isugu jira waayeello, beeraley, ganacsato agoomo korsada iyo caruur in lagu tilmaamo argagixiso, maxaad Soomaaliyeey ku micnayn lahaydeen? Maareeye-se ma istaahilaa Wasiirnimo iyo in warkiisa la rumeysto?

Waa hunuf gumaystuhu watoo soona haayaraye

Huuraalihii Xabashigaa soo hoggaan baraye

Sidii Eey albaab la hordhiguu huuda ku hayaaye

Haybtiisi garan waa markuu gaalka hoos galaye

Waa waxaan hannaan gobannimo iyo haybad garanayne

Ninkii hooyadii jiiday oo hoogay kaga siiyey

Ee duco gacmaha hoorsadaad hadalka mooddaaye

Horgalkii caweys lagu dhalaa haada ficilkiis dheh.

Su’aal Ku Socota Maareeye?

 

Maareeyow, maadaama aad Mareykanka ku guubaabisay xasuuqa dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ay maamulaan Al-Shabaab oo ay muwaadiniin aad u badani ku nool yihiin maka fakartay saameynta shaqsi ahaan kaaga iman karta?

Tusaale ahaan waxaad la socotaa qisada xanuunka leh ee ku dhacday Wariye Maxamad Cumar oo wax ku qora wakaaladda adiga ku hoos tagta ee Sona. Wariyaha oo caan ku ahaa in duqeyntii dhacdaba uu ku tilmaamo in qof Shabaab ah lagu dilay ayaad la socotaa in qoyskiisa oo aan waliba qaraabo nahay lagu duqeeyay degmada Jilib.

Duqeynta oo ay qaar kamid ah Warbaahinnada dowladdu ku sheegeen in saldhig Shabaab lala beegsaday ayuu wariyuhu ka qoray warbixin aanan horey looga baran isagoo sheegay in lagu beegsaday qoyskiisa laguna dilay gabar uu adeer u yahay islamarkaana lagu dhaawacay hoogadii oo 80 jir ah iyo gabar kale oo uu adeer u yahay.

Halkan ka akhriso warbixin ay BBC ka qortay dhacdadaas

Maareeyoow haddii uu Mareykanku Jubbada Dhexe ku duqeeyo dumarka kula dhashay oo runtii aan ku garanayo wanaag iyo dadnimo, ma waxaad sheegan doontaa in aad Argagixiso disheen mise sida wariyahaaga oo kale ayaad calaacali doontaa? Waa su’aal aan jawaabteeda kaaga fadhiyo.

Ugu dambeyn

 

Guntii iyo gabagabadii waxaan ka aqoonyahan ahaan si adag u cambaareynayaa duqeymihii uu Mareykanku ku dilay ganacsatada, haweenka, carruurta iyo xoolaha, geelaba ha u badnaado’e. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku baraarujinayaa ineysan oggolaan falalka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha sida in la laayo ganacsatada, haweenka iyo caruurta.

Maareeye waxaan leeyahay haddii aad rabto inaad dagaalanto waad garanaysaa Al-Shabaab iyo halka laga helo, ee yeysan sheekadu kaa noqon Shabeelkii uu geelu ilmihiisa ku durduriyay kadib-na yiri “Geel ilmaheyga ma dili karo ee waxaa dilay waa Ari”

FG: Qormadan mas’uul kama ahan Somalimemo ee waxaa mas’uul ka ah aqoonyahanka qoray ee Yuusuf Abroobe Abuukar.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*