Kaydka Sawirada, Wararka Gudaha

Sawirro: Maraykanka Oo 4 Qof oo shacab ah ku dilay Jannaale.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn ku dilay afar qof oo shacab ah, kuwaas oo ku safrayay gaari nooca Homeyda ah.

Sawirro goobta ay duqeynta ka dhacday laga soo qaaday ayaa muujinaya dad gantaalka ay soo riday diyaaradda Maraykanka ah uu si adag u haleeley, islamarkaana hillbaha jirkooda ay kala faniineen.

Dowladda Maraykanka ayaa sii laba jibaartay weerarada duqeymaha ah ee ay ka geysaneyso koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo si ula kac ah ay ugu beegsaneyso dadka shacabka ah ee aan wax lug ah ku lahayn dagaalka Soomaaliya.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Insaanka ayaa dhowr jeer oo hore ka marqaati kacay in Maraykanku aanu kala soocin dagaalyahannada Al-Shabaab iyo dadka shacabka ah, islamarkaana si ku talagal ah u beegsado dadka shacabka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*