Kaydka Sawirada, Wararka Gudaha

Sawirro: Sidaan ayay diyaaradaha Mareykanka dad Shacab ah ugu xasuuqeen magaalada Jilib.

Diyaaradaha duuliye la’aanta (Drone) ee dowladda Mareykanka ayaa Labo maalin ka hor waxay duqeyn arxan daro ah ka geysteen degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada dhexe.Duqeyntaas wuxuu Mareykanka ku dilay Saddex ruux oo isugu jira Labo rag ah iyo qof dumar, Sidoo kale duqeyntaan waxaa ku dhaawacmay wiil Afar Sano jir ah.

Dadka duqeynta ku dhintay ayaa kala ahaa Max’med Cabdi Cusmaan Kheyroow oo ahaa dullaal dhulalka kala wareejiya, Goosaar Shalle Maadeey oo ahaa beeraleey iyo sidoo kale haweenay 70 sana ah oo lagu magacaabo Xaajiyo Muuse Macoow waxayna Hooyadaan da’da ah udhimatay naxdin ay ka qaadday jugta gantaalladii ay ridayeen diyaaradaha Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale dad shacab ah ugu duqeeyay qeybo ka mid ah gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya wuxuuna taliska AFRICOM marwalba sheegaa in uu duqeymaha ku beegsado dagaalyahanno katirsan Al Shabaab isagoo iska indha tira shacabka uu xasuuqa ku hayo.

 





Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*