Wararka Dibadda

Aaal-Sucuud Oo sheegay in Salaadda Taraawiixda Lagu tukan doonin Masaajidda.

Muftiga guud ee maamulka Aala-Sucuud Sheekh Cabdil Caziiz Aala Sheykh ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in salaadda Taraawiixda ee la tukto bisha barakeysan ee Ramadaan aan lagu tukan doonin sanadkan masaajiida ku yaala dhulka Xarameynka.

Wuxuu arinkaas ku sababeeyay cudurka Coronavirus ee caalamka ka jira, isagoona sheegay in haddii xaaladdu ay sidan sii ahaato xitaa la baajin doono in salaadda Ciida lagu tukado Musallayaasha iyo Masaajiidda jaamica.

Warkan uu soo saaray muftiga maamulka Aala-Sucuud ayaa ku feylaya war horey uga soo baxay wasaaradda arimaha diinta ee Aala-Sucuud, taas oo sheegtay iney ka fakarayaan baajinta salaada Taraawiixda.

Waxaa hadda xiran guud ahaan masaajidda ku yaala Xarameynka, gaar ahaan Kacbada iyo Masjidka Nabawiga, xilli dhanka kale ay furanyihiin Suuqyada, Hotellada iyo goobaha isku imaatinnada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*