Wararka Gudaha

Qaraxyo Khasaare Geystay oo Ka Kala Dhacay Muqdisho Iyo Beledweyne.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne waxaa ka dhacay qaraxyo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaasoo lala beegsaday ciidamada dowladda federalka ah.

Qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu ahaa miino waxaana lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka warshaddii Tarraqa iyo Sigaarka ayaa waxaa inta la og yahay dhimasho iyo dhaawac ku noqday 5 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay weerar bambaano oo lagu qaaday isbaaro u tiilay ciidamada dowladda. Goob joogayaal ayaa sheegay iney indhahooda ku arkeen dhaawaca afar askari oo dowladda ka tirsan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*