Maqaallo, Uncategorized, Wararka Gudaha

IRBAD CEEL LAGU TUURAY!!! (WQ: Dr. Suldaan Garyare)

“NIN YARAAN KU LOOFARAY WUXUU LUMIYEY RAACDEEYE”

Waxa aan marar badan ku arkaa baraha bulshada iyo meelaha kale ee lagu baahiyo wararka iyo dhacdooyinka dalka Soomaaliya munaasabado iyo xus loo samaynayo maalmo la soo dhaafay, oo dadka loogu tilmaamayo in ay yihiin maalmo maamuus iyo xurmaynba leh, lana doonayo in la weyneysiiyo.

Haddaba dadka Muslimiinta ahi waxa ay leeyihiin amaba Islaamku xusay laba maalmood oo loo baahan yahay in ay sannadguuro yihiin oo sannadkiiba mar la ciido ama la weyneesiiyo maalmaahaas. Maalmahaasi waa labada ciidood ee Islaamku noo jideeyey, kalana ah Ciidul-fidriga oo ah 1da bisha Shawaal ee bisha Ramadaan ka dambaysa, oo ah maalin ay Muslimiintu u dabbaaldegayaan dembidhaaf ay Alle (swt) ka rajaynayaan.

Midda kalena waa 10ka bisha Dulxaj oo ku beegan maalin Alle (swt) uu ka badbaadiyey Nebi Ismaaciil (cs) in la gawraco, Allena uu Nebi Ibraahim (cs) u soo direy wankii la gowracay, isaga oo Nebi Ibraahim (cs) guddoomaya amarka Alle (swt) ee ahaa in uu wiilkiisa Ismaaciil gawraco. Wixii intaa ka baxsan Islaamka kuma cadda, mana aha in loo dabbaaldego oo sannadguuro loo sameeyo.

Haddaba haddii aan u soo dhaadaco nuxurka qoraalkan yar, waxa aan arkaa sida aan kor ku soo xusayba munaasabado aan asal ahaan bannanayn, wixii lagu yaqaannaya ama loo samayn jirayna aysan imminka muuqan. Munaasabadaha Soomaalidu caadeysatay oo dawladihii Calmaaniga ahaa ay dadka u jideeyeeyn waxa ka mid ahaa 15 Maajo, 26ka Juun, 27ka Juun, 1da Luulyo iyo 21ka Oktoobar, oo dhammaantoodba lagu soo dhaweyn jiray ama lagu daahfuri jirey fasahaad iyo fusuq ummadda lagu marin habaabinayo.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay munaasabadahaasi tilmaamo ayey lahaayeen ama sabab ayaa loo samayn jiray haba khaldanaadeene, maanta tilmaamahaasi ma muuqdaan?. Sabibihii loo samayn jiray waxa ugu muhiimsanaa ka xorowgii gumaysigii dalka haystay ee Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska, geyiga Soomaaliyeedna ka la googooyey, go’ walbana goonni u gummaystay iyo maalintii taliskii Ciidammadu ay dalka la wareegeen.
Haddii aynu u eegno sida ay yihiin oo aan iska illowno sharci ahaantooda maanta ma muuqataa in la xuso ama loo dabbaaldego maalmo muujinaya xornimo iyo guulo ay Soomaalidu gaartay?

Inta aanan jawaabta ku soo boodin ma jiraa dal Soomaaliyeed oo mideysan amase xor ah, illeyn munaasabaduhu micno ayey ku qotomeen, dadkana loogu tilmaami jiraye? Jawaabtu waa maya: Soomaaliya maanta waxa ay u qaybsan tahay 7 qaybood oo loo kala qaybiyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xornimo ku sheegga qaadatay 1960kii, oo mid waliba uu xukumo sarkaal Xabashi ah ama mid Keenyaati ah sida muuqata (de-facto) balse sida sharciga ah (de jure), ahna mid lagu seexiyo kuwa gumaysiga dabadhaanka u ah iyo shacabweynaha Soomaaliyeed ee aan siyaasadda u bislayn.

Waxa intaa sii dheer in aysan midna midda kale abaal iyo teello toona u hayn in xumaan iyo isdiiddanaani ka dhexayso mooyee. Waxaana la gaarsiiyey in aysan isu dhaamin karin amase isu hiilin karin haddii mid walba hoteeda bahal ku cunayo midda kale. Waxa dalka isaga kala goosha oo isagu garwadeen ka ah hadba ninka reer Galbeedku dalka u dhiibtaan ugana dhigaan Barasaabka (xaakinka ama governerka), isaga ayaana u kala dabqaada, balse iyagu ma ah kuwo isu iman kara amase caqliyad iyo maan ay leeyihiin ku maareeya wixii dhexyaalla amase ay kala tabanayaan.

Haddii xaalku sidaa yahay waxa u habboon in la iska illoobo maalmahaas, waayo nuxurkii loogu dabbaaldegi jirey maanta meesha kama muuqdo oo dalkuna waa qaybqaybsan yahay, waxa uuna ku jiraa gacmo shisheeye oo ah gumeysi la sharciyeeyey, balse aysan dareenkeeda lahayn kuwa dalka magacooda gumeysiga lagu geliyey, ee madax goboleedyada ku magacaaban, oo ah weji cusub oo ah dagaal oogayaashii ay Maxaakiimtu dalka ka xoreeyeeyn lagu beddelay. Haddaba maamuuska iyo xuska maalmahaas awalba dhalanteedka ku dhisnaa miyeeyan u muuqan “Irbad ceel lagu tuuray?.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*