Wararka Gudaha

Gudoomye Ku Xigeenka Heliwaa oo Ka Badbaaday Qarax Weyn.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka badbaaday fal isku day dil ah oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

Xilli uu marayay nawaaxiga Shineemo Cabdiwaayeel ayaa waxaa gaarigiisa lala bar tilmaameedsaday qarax weyn oo jugtiisa laga maqlay meelo badan waxaana wararkii ugu dambeeyay ay haatan sheegayaan inuu ka badbaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa daqiiqado kadib dhacdada goobta ka kaxeeyay gudoomiye ku xigeenka oo la anfariirsan weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday, waana qaraxii labaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*