Wararka Gudaha

Ciidamada Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degaanka Diif.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacad ka hor si buuxda ula wareegay degaanka Diif ee gobolka Jubada hoose kadib dagaal muddo socday oo dhex maray iyaga iyo ciidamada Jubbaland ee Kenyaatiga la shaqeeya.

Degaankan oo dhaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa saldhig weyn ku lahaa askarta Jubbaland, waxaana dhacday in ciidamada Al-Shabaab ay ugu dambeyntii xoog ku jiiraan saldhigga ayna la wareegaan sidoo kale degaanka.

Xogtu waxay ku warramaysaa inuu jiro khasaare badan inkastoo aanan wali helin faahfaahin dhammeystiran. Xarakada Al-Shabaab ayaa horey usoo af-jartay saldhigyo ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen Beledxaawo, Ceel-waaq, Buulogaduud iyo meelo kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*