Uncategorized, Wararka Dibadda

Corona Dartii, iibinta gawaarida Toyota oo hoos u dhacay 45%.

Shirkadda sameysa gawaarida Jaban ee Toyota. waxay shaacisay maanta in iibkeeda caalamiga ah uu hoos u dhacay 45.3% (afartan iyo shan dhibic sadax boqolkiiba) sababtana waxay ku sheegtay cudurka Carona.

Dhanka kale, guud ahaan soosaarka kooxda ayaa hoos ugu dhacay 51.5% (konton iyo kow dhibic shan boqolkiiba) bilihii lasoo dhaafay.

Shirkadda Toyota waxay rajeyneysaa in iibkeedu hoos udhaco 14.9% ilaa 8.9 milyan oo gaari inta lagu gudajiro sanadkan.

Shirkaddu waxay joojisay soo saarista gawaaridooda gobolo badan oo adduunka ah fayraska oo ka dillaacay awgeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*