Wararka Gudaha

Madaxtooyada Muqdisho oo La Duqeeyay Iyo Gaari Amisom Looga Gubay Sh/hoose.

Tiro madaafiic ah ayaa maanta ku hoobatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kuwaasoo hugunkooda laga maqlayay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 5 madfac ayaa lagu garaacay Villadii Soomaaliya xilli uu mashquul badan ka jiray, walow aanan helin inta uu la eg yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac. Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Sidoo kale waxaa suuqa Bakaaraha ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay askari ka tirsan dowladda federalka ah waxaana ay goob joogayaashu xaqiijiyeen in qorigiisii laga qaatay.

Waa dhacdadii labaad ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Shabeelaha hoosana waxaa isla maanta ka dhacay weerar ciidamada Amisom loogu geystay khasaare adag.

Askartan oo ku socdaalayay wadada dheex ee isku xirta Marko iyo Agooye ayaa waxa uu weerar dhabba gal ahi ku qabsaday degaanka Ceel-wareegow, halkaasoo looga gubay gaari xamuul ah.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*