Wararka Gudaha

In Ka Badan 10 Askari oo DF Looga Dilay Sh/dhexe Iyo Madaafiic Lagu Weeraray Buulo-gaduud.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa 11 askari ka dilay dowladda federalka ah kadib markii ay kula dagaalameen degaanka Gololeey oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeelha dhexe.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa waxaa laga qaatay saanado melleteri oo ay kamid yihiin 2 qori PKM ah iyo dhowr kamid ah hubka Ak47.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay muddo laba maalmood ah wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad ay ka wadeen hawl gallo ay ku xaalufinayeen dhirta.

Sidoo kale ciidamada Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta duqeeyay fariisin ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degaanka Buulogaduud oo u dhow magaalada Kismaayo.

Duqeyntani waxay timid xilli sidoo kale maanta madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, duqeyntaas oo ay sheegatay iney ka dambeyso Xarakada Al-Shabaab.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*