Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

Hoos U Dhac Weyn oo Ku Yimid Dhaqaalaha Ingiriiska.

Dalka Ingiriiska oo sida uu sheegto kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan dowladaha ka jira caalamka ayaa haatan ka cabanaya hoos u dhac dhaqaale oo soo food saaray bilihii lasoo dhaafay.

Arrintan ayaa waxaa loo sababeeyay cudurka Carona iyo saameynta uu ku yeeshay wadankaas gaar ahaan bishii April oo uu culeyska ugu daran soo wajahay UK.

Bishaas oo kaliya wuxuu Ingiriisku lumiyay 20. 4% taasoo ah xaddigii ugu badnaa ee si bille ah loo arko marka loo eego taarikhda Ingiriiska.

Saxaafadda wadankaas ayaa Xafiiska Xog-uruurinta Qaranka kasoo xigatay hadal walaac ah oo uu ku sheegay inuu cudurka Carona si ba’an u saameeyay dhammaan dhinacyada dhaqaalaha ee dalkaas.

Tani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac sadax goor ka badan burburkii dhaqaale ee ku dhacay Ingiriiska sannadkii 2008, goortaasoo uu dhulka galay dhaqaalaha dunida oo dhan.

Markii uu dalkaasi soo gaaray cudurka Carona, Ingiriisku wuxuu qorshihiisu ahaa in gabi ahaanba duulimaadyada iyo dhaqdhaqaaqyada la xannibo si loo yareeyo dhimashada badan ee uu cudurku sababayo, laakin waxay ku khasbanaadeen iney si degdeg ah u baddalaan istaraatiijiyaddaas.

Dhaqaalaha burburaya iyo dhimashada waxay doorteen dhimashada badan iyagoo bishii May billaabay iney khafiifiyaan xannibaadaha.

Madaxda wadanka Ingiriisku waxay haatan ku cataabayaan in cudurka Covid19 uu u saameeyay si ka duwan dalalka kale ee uu ku baahay.

Ingiriisku waa dalka 5aad uu dunida ugu dhaqaalaha badan sida uu sheegto waxaana xusid mudan khubarada dhaqaalaha iney sheegayaan iney adkaan doonto inuu si sahlan uga soo kabto dhaawaca dhaqaale ee soo gaaray bishii April.

Cudurka Carona oo gaaray inta badan dalalka Caalamka ayaa si gaar ah u saameeyay wadamada Yurubta iyo Mareykanka kuwaasoo uu u wiiqay dad ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*