Wararka Gudaha

Sawirro+Vedio: Micno Weyn Ayaa Ku Jira Wiilka Yar Ee Uu Dhabta Saartay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ayaa socdaalkii uu ku maray gobolada Wuqooyi bari ee Soomaaliya kusoo bandhigay hadallo iyo ficillo uu ku muujinayay inuu yahay nin bala ah.

Sawirrada laga soo qaaday madaxweynaha waxaa kamid ah midka kore ee aad aragtaan ee uu dhabta saartay wiilka yar. Dabcan wuxuu muujinayaa sida uu isagu kaga jeedo inuu yahay Aabaha caruurta Soomaaliyeed marka laga eego darajada madaxweyne-nimo.

Balse wariye Cabdullaahi Soomaali ayaa maqaal uu ku oqray bartiisa “Facebook” kusoo bandhigay su’aalo muhim ah oo ay tahay in uu madaxweynuhu ka jawaabo ama dad weynuhu ku fekeraan.

“Muxuu ina Qalbi-Dhagax dhabta u saari waayay waa kan xamar ilintu uga dhammaatay kadibna xeryaha qaxootiga ee kenya loola cararaye?” ayuu yiri: wariyaha isagoo intaa ku daray in dadka Soomalaiyeed ay fahmaan dhagarta daba dadka shisheeyaha u shaqeeya.

Dhab ahaantii haddii uu madaxweynuhu gurigooda ku booqan lahaa caruurta Qalbi dhagax islamarkaana uu sidan oo kale dhabta u saari lahaa, waxaan hubaa in dad badan oo arrntan ku nacay dowladdiisa ay wax ka bedeli lahayd, laakin wuxuu ka baqayay Itoobiya.

Wiilka dhabta u saaran Farmaajo iyo ina Qalbi dhagax waxba uguma kala duwana Farmaajo, kaasna adeer ayuu u ahaa, kanna adeer buu u yahay, balse farqiga jira ayaa wuxuu yahay inuu adeernimadiisa weynayo ken Itoobiya soo dalbato.

HOOS KA DAAWO OOYINTA IYO URUGADA WIILKA QALBI-DHAGAX

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*