Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

Ku Dhawaad 10 Qof oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Itoobiya.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Qaraxan oo xoogganaa islamarkaana aan faahfaahin laga bixin waxa uu yahay ayaa gallaaftay nolosha 8 Itoobiyaan ah.

Dhacdadan ayaa ka dhigan iney sii korortay dhimashada ka dhalatay kacdoonada muddada labada maalin ah socday.

Saraakiisha Booliska ayaa waxaa laga soo xigtay in tirada dadka ku dhintay kacdoonada rabshadaha wata ay sii dhaafayso 80.

Dadka Oromada ah oo qarbudaada u geysanaya xarumaha Amxaarada ayaa ka careysan dil loo geystay Hachalu Hundesa oo ahaa nin bulshada kiciya dhexdoodana caan ka ahaa.

Dibadbaxayaasha Oromadu waxay dalbanayaan in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Jawar Maxamed iyo siyaasiyiin kale oo ay dhawaan xirtay xukuumadda Abiy.

Kacdoonadan ayaa kusoo hagaagay xilli ay meel xun ka mareysay qowmiyadda Tigreega iyo xukuumadda Abiy. Waxa kale oo uu kusoo aaday iyadoo Itoobiya uu khilaaf dhanka biyaha ah kala dhaxeeyo Masar.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*