Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

In ka badan 100 qof oo ku dhintay kacdoonada Itoobiya. (Warbixin)

Qowmiyadda oromadu, wali kama suulin kacdoonadii xoogganaa ee ay ka waday magaalada Adisababa iyo gobolada kale ee ay ka degto dalka Itoobiya.

Kacdoonadan oo ka dhashay nin iyaga ka soo jeeda oo ay bartamihii todobaadkii lasoo dhaafay dishay qowmiyadda kale ee Amxaarada ayaa waxa uu sababay khasaarooyin kala duwan.

Illaa iyo hadda dadka ku dhintay waxay tiradoodu kor usoo dhaafaysaa 100 sida laga soo xigtay ilo wareedyo dalkaasi ku sugan.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmad wuxuu jaray isgaarsiintii guud ee wadanka oo uu Internetku kamid yahay isagoo sidoo kale shalay xiray dhammaan warbaahinadii soo tabinayay kacdoonka.

Macluumaadkii ugu dambeeyay ee ay saxaafaddu ka heshay Adisababa ayaa waxaa laga soo xiganayaa siyaasiyiin iyo wariye-yaal u shaqeeya wakaaladaha wararka caalamiga ah oo wata telefoonka Satarlite-ka.

Magaalada Adisababa oo dhan wey kala xiran tahay. Dadka qaar wey isaga barakaceen halka kuwa ku haray ee aan Oromada ahayn aaney guryahooda kasoo bixi karin.

Dibaxbaxyadu waxay aad usii laba kacleeyeen shalay oo Jimco ahayd iyo habeen hore iyadoo lagu beegsanayay dadka Amxaarada ah iyo xarumahooda ganacsiga.

Si xukuumaddu u badbaadiso shacabka Amxaarada ah ee looga tirada badan yahay caasimadda ayaa waxay todobaadkii lasoo dhaafay magaalada soo gelisay ciidamo badan oo kuwa Milatariga ah kuwaasoo isku koobay Suuqyada Ganacsiga iyo Xarumaha Dowladda markii ay hakin waayeen kacdoonada iyo weerarada.

Sida lasoo tabinayo, waxaa muddo dhowr jeer ah isku dhacay ciidamada iyo dad weynaha, khasaare badan oo labada dhinac ah ayaana ka dhashay hardankoodaas.

Agaasimaha Isbitalka guud ee Adisababa wuxuu saxaafadda u sheegay in dhaawacyadii ugu badnaa loo keegay halka qaar kamid ah dadkaasi ay u geeriyoodeen waxyeelladii soo gaartay.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa oogada jirkooda ka muuqday astaamo muujinaya in lala dhacay baangado, budad, dhagxaan iyo rasaas.

Kacdoonada ayaa waxa kale oo ay si xawli ah uga socdaan Gobolka Oromada iyadoo magaalooyinka qaar laga eryay maamulkii iyo ciidankii dowladda sida:- Guji iyo Arsi.

Shacabka Oromadu waxay dab qabadsiiyeen dhammaan xarumihii dowladda ee ku yaallay magaalooyinka ay la wareegeen iyagoo gaadiidkii dowladda ka dhigay qaar ay gubaan iyo wax ay qaataan.

Abiy Axmad wuxuu shalay isku dayay inuu magaalooyinka qaar ciidamo u diro sida kuwa ay Oromadu gaarka u degto iyo kuwa ay la dagaan Amxaarada si looga hor tago khasaare kale oo weyn, hase ahaatee wuxuu awoodi waayay, maxaa yeelay wadooyinkii oo dhan ayaa laga jaray.

Waxaa lasoo warinayaa in kacdoon wadayaashu ey dhagxaan badan ku jareen wadooyinkii ay ciidamadu mari lahaayeen. Meelaha qaar 15km ayay dhagxaantu daadsan yihiin iyagoo buuro ah mana awoodaan ciidanku iney qaadaan.

Dadka Oromada ah waxay 24kii saac ee lasoo dhaafay sii kordhiyeen tallaabooyinkooda aargoosi kadib markii ay weeraro ku qaadeen Amxaarada ku dhex nool degaanadooda.

Waxay dab qabadsiiyeen guryaha Amxaarada siiba dadkooda siyaasiyiinta iyo ganacsatada isugu jira taasoo keentay in wixii ka badbaaday qowmiyaddaas ay carar ku galaan xeryaha ciidamada.

Ka hor inta aan shalay la xirin warbaahinta waxay tabinayeen warreysiyo ay ka qaadeen dad Amxaaro ah oo maciin biday xeryaha ciidanka kuwaasoo barooranayay islamarkaana sheegayay iney musiibo ku dhacday.

Dhankooda Amxaaradu waxay wadaan abaabul dagaal inkastoo geesta kale ay colaadi kala dhaxayso qowmiyadda Tikreega, ciidamadooduna ay isku hor fadhiyaan xuduuda ay wadaagaan.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya wuxuu dorraad isaga barakacay madaxtooyada wuxuuna isagoo murugeysan ku dhawaaqay inuu la wareegay dhammaan hogaanka ciidamada Itoobiya, haatanna wuxuu deggan yahay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya haddii ay xaaladdu sii xumaato inuu qorsheynayo inuu Oromada dhabarka kaga keeno malleyshiyada Liyu Boliska Soomaalida la gumeysto iyo Canfarta taasoo keeni karta in laga aar goosto dad badan oo abriyo ah.

Intaa waxa dheer in xukuumadda Adisababa ku goodisay iney maxkamd adag la tiigsanayso siyaasiyiinta Oromada ee dhawaan la xiray kuwaasoo ay ku eedeysay iney ku hawlanaayeen isku day afgambi.

Inkastoo uu diinta islaamka ka baxay isagoo dhowr iyo toban sano jir ah, haddana wuxuu kasoo jeedaa labada Qowmiyadood ee ay colaadda taariikhiga ah ka dhaxayso.

Aabihii waa Oromay Muslim ah, hooyadiina waa Amxaarad Kiristan ah.

Dalka Itoobiya oo markii horaba ahaa mid la isku kabkabay oo ay ku nool yihiin qowmiyado kala diin iyo kala af ah ayaa waxay siyaasiyiintu sheegayaan inuu cagta saaray wadada burburka.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray dalkaas waxay sheegayaan in 12kii saac ee lasoo dhaafay ay xukuumaddu amartay in xarig wadareen laga sameeyo magaalada caasimadda ah, waxaana la xiray kumannaan ruux.

Ol’olahan ayaa waxaa fakarkiisa lahaa islamarkaana wada taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya oo ah nin kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada.

Dhankooda Oromada shir ay yeesheen siyaasiyiintooda waxay ku sheegeen in Abiy Axmad uusan kasoo jeedin qowmiyadooda balse uu yahay Amxaar.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen iney sii wadi doonaan waxaana ay xiisaddoodu sii laba jibbaarantay markii ciidanka dowladdu weerareen guri uu yaalla meydka ninkii laga dilay ee uu kacdoonku ka billowday.

Ninkan ayaa waxaa aasay milatariga iyagoo ka baqayay in Oromadu sameyso aas ay ku dhan yihiin kuna qaataan go’aano adag.

Kacdoon wadayaashu waxay buriyeen xaalad degdeg ah oo uu soo rogay Ra’iisulwasaaraha kadib markii ay meelaha qaar ciidamada ku jiireen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*