Wararka Gudaha

Askari Ka Tirsan Dowladda oo Lagu DIlay Baladweyne.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federalka ah ayaa saacado ka hor lagu khaarajiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in askarigan lagu weeraray bam gacmeed taasoo sababtay inuu labo u kala go’o islamarkaana uu geeriyoodo sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka magaalada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Ragga weerarkan geystay ayaa si nabad ah goobta uga dhaqaaqay waxaana ay dhacdadan kusoo hagaageysaa iyadoo ay magaalada Beledweyne joogto ka noqdeen weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa la shaqeeya ee dowladda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*