Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Rag Sirdoon U Ahaa DF Iyo Shisheeyaha oo Lagu Dilay Fagaare Ku Yaalla Bu’aale.

Magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe ayaa waxaa goor dhow lagu dilay afar ruux oo lagu eedeeyay iney jawaasiis u ahaayeen dowladda federalka iyo ciidamada shisheeye.

Afartan ruux ayaa waxaa xukunkooda ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorka islaamiga ah ee Al-Shabaab kadibna waa la toogtay, iyadoo ay xukunkan usoo daawasho tageen dad aad u badan.

Raggan ayaa intooda badan u shaqeynayay Xabashida Itoobiya, waxaana hawlaha ay qabanayeen faahfaahiyay qaadiga maxkamadda islaamiga ah ee wilaayada Jubooyinka.

1-Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas Wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya mushaarkiisu wuxuu ahaa $200, wuxuu sheegay in Itoobiyaanka uqaabilsanaa aruurinta macluumaadka iyo sahanka.

2-Cumar Cadar Cumar oo ahaa 25 sana jir wuxuu u shaqeynayay PS-ta dowladda Federaalka wuxuu kusoo tababartay Suudaan isagoo qeyb ka noqday ciidamadii loogu magac daray ‘Nabad Ku Afura’ ee muqdisho ka dhisnaa, Cabdi Risaaq Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay isagoo gaari shacab ah saarnaa kunasii jeeday magaalada Kismaayo.

3-Max’med Aba Mayoow wuxuu u basaasayay dowladda Federaalka wuxuuna ku biiray xilligii Cabdullaahi Yuusuf waxaa loo diray in uu xog ka keeno xeryaha tababarada ‘Mujaahidiinta’ balse waa laqabtay isaga oo aan waxba qaban.

4-Mustaf Macalim Xasan wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya wuxuu ciidamada Itoobiya ku hoggaamiyay Tuulada Caliyoow Dooyow ee duleedka degmada Buurhakaba halkaas oo ay dad shacab ah ku dileen.

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*