Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda K/Afrika oo Laga Helay Covid19.

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Koonfur Afrika, ayaa sheegtay in wasiirka wasaaradda shaqada dalkaasi Thulas laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii baaritaan lagu sameeyay jimcadii shalay.

War kasoo baxay wasaaradda shaqada ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in wasiirku uu hadda isku karaantiilay gurigiisa, halkaasna uu kasoo shaqeyn doono.

Sida ay warbixintu sheegtay, markii afaraad ee la baaray ayaa xanuunka lagu arkay.

“ Waa wasiirka keliya ee dalka oo markii afaraad is baaray tan iyo intii uu xanuunkan COVID-19 ka dillaacay South Afrika, laakiin nasiib darro hadda waa laga helay” ayaa lagu yiri warka ay wasaaradda uu hoggaamiyo ay soo saartay.

Kiiskan ayaa ah kii shanaad ee laga helo qof ka tirsan xukuumadda iyadoo hore loo sheegay in dhowr kale oo wasiirro ah uu asiibay xanuunka.

Wadanka Koofurafrika wuxuu kamid yahay wadamada Afrika oo uu kusii baahayo xanuunka wuxuuna ku dilay dad gaaraya 4,804.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*