Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay Itoobiya oo Ku Gubatay Shiinaha.

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines xilligii ay gubanaysay u diyaar garowday duulimaad loo qorsheeyay oo ku wajahnaa Koofurta America.

Inkastoo duuliyaha diyaaradda uu sheegay ineysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay haddana wuxuu tilmaamay iney gubatay.

Diyaaradda ayaa ku burburtay madaarka caalamiga ah ee Shanghai, Arbacadii maanta, taasoo nooceeda lagu sheegay “B777.

Muuqaal fiidiyow ah oo lala wadaagay warbaahinta ayaa muujiyay olol iyo qiiq madow oo cirka isku shareeraya kana baxaya diyaaradda.

Ka hor inta aysan diyaaraddan soo gaarin magaalada Shanghai waxay ka timid magaalada Brussels ee dalka Biljam, saacaddu markay ahayd 11.50am, sida laga soo xigtay adeegga duullimaadyada hawada ee tooska.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegin waxa u sababta ah iney gubato diyaaraddan, tanina waxay ka dhigan tahay xanuun dhaqaale oo gaaray xukuumadda Abiy Axmad oo la daalaa dhacaysa culeysyo ka haysta gudhaa iyo dibaddaba.


Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*