Kaydka Sawirada, Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sawirro: Mareykanka oo 3 Caruur Ah Ku Dilay Jilib.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa maanta duhurkii duqayn ka fuliyay magaalada Jilib ee Wilaayada Jubbooyinka halkaas oo ay ku dileen carruur kuna burburiyeen guri.

Duqaynta oo dhacday abaara 2:00 duhurnimo ayaa waxay diyaaraduhu la beegsadeen caruurtan oo ku sugnayd banaanka hore ee guriga halkaas oo ay dhammaantood ku dhinteen.
Saddex caruur ah oo midka ugu weyn uu yahay 13 jir ayaa isla goobta ku nafwaayay  halkaas oo ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka  Maraykanka.
Shabakada Wararka SomaliMeMo oo booqatay goobta ay duqayntu ka dhacday ayaa muuqaallo kasoo qaadday gurigii duqayntu beegsatay iyo carruurtii halkaas ku dhimatay.
Saddexda carruurta ah  ee goobta ku dhimatay ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay sida soo socota:
1- Abuukar Axmad Maxamad oo 8 (sideed) sano jir ah
2- Cabdisamad Xuseen oo 12 ( laba iyo toban) sano jir ah
3- Cabdullaahi Maxamad oo 13 ( saddex iyo toban) sano jir ah.
Ma jirin cid kale oo ku dhimatay duqaynta ay Mareykanku ku laayeen carruurta birimagaydada ah.
Maraykanka ayaa caadaystay xasuuq uu u geysto shacabka Soomaaliyeed isagoo aanan u kala soocaynin carruur iyo ciroole, rag iyo dumar toona.
HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA CARUURTII MARAYKANKU MAANTA KU DILAY JILIB










Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*