Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda

Wasiirkii Gaashaandhigga Itoobiya oo La Casilay Iyo Qowmiyad Kacdoonka Kusoo Biirtay.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in xilkii laga qaaday Wasiirkii gaashaandhigga dalkaas, Lamma Magersa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisulwasaare Abiy uu shaqada ka cayriyay Magersa iyadoo lagu eedeeyay inuu gudan waayay hawshiisa.

Wasiirka la eryay ayaa markii hore ahaa nin aad ugu dhow Abiy, balse waayihii dambe ayaa lagu eedeeyay inuu ku leg yeeshay ama uu taageeray kacdoonka Oromada.

Warbaahinta Itoobiya ayaa goor sii horreysay sheegay in wasiirka la eryay uu ka dhaga adaygay cadaadinta iyo dagaalka ka dhanka ah Oromada, tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyayna uu wajahayay culeysyo illaa ugu dambeyntii uu go’aankan soo baxay.

Dhanka kale, kacdoonka dalka Itoobiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney ku biirtay qowmiyadda la yiraahdo Walleyta oo kamid ah shucuubta Koofureed taasoo gobolka ay dagan tahay ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ka dhaceen isku dhacyo dhex maray iyaga iyo milatariga dalkaas.

Walleyta oo ah qowmiyadda uu kasoo jeedo, ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa dalbanaya madaxbannaani iyo maamul iyaga u gaar ah, maadaama ay dhibaato badan ku qabaan xukuumadda Adis-ababa.

Isku dhacyada ayaa waxaa ku dhintay dad kasoo jeeda qowmiyadda iyo ciidamo ka tirsan kuwa xukuumadda.

Dadka falanqeeya arrimaha Itoobiya ayaa soo sheegaya in kacdoonka Walleyta uu culeys weyn ku yahay xukuumadda oo markii hore la daalaa dhacaysa kacdoonka Oromada iyo culeyska Tikreega.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*