Maxaa Cusub, Muxaadaraad, Uncategorized, Wararka Dibadda

Itoobiya oo Ka Hadashay Tallaabadii Uu Mareykanku Lacagta Uga Goostay.

Maamulka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag badan oo ay bil iyo sannad walba ka heli jirta Mareykanka oo laga goostay todobaadkan horraantiisii.

Xukuumadda Adisababa waxay walaac xooggan ka muujisay tallaabadaasi uu qaaday Mareykanka oo ay ku weysay dhaqaalihii lagu siin jiray la dagaalanka Muslimiinta oo ay Soomaalidu ugu horreeyaan.

Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Washington ayaa sheegay in ay soo gaartay wargalin ka timid aqalka dalkaas looga taliyo taasoo loogu sheegay in la xayiray dhaqaalihii Itoobiya la siin jiray.

Itoobiya waxay dhankeeda billaabeysaa dhaqdhaqaaqyo xood xoodasho ah oo ay Mareykanka uga dalbanayso inuu fasaxo dhaqaalihii uu ku siin jiray la dagaalanka Muslimiinta gobolka.

Lacagta Itoobiya laga joojiyay ayaa gaareysa 100 Milyan oo doolar sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka oo u waramay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Itoobiya ayaa ka dhaga adaygtay awaamiir uga timid Mareykanka oo uu maslaxadeeda ku ilaalinayay taasoo ahayd ineysan dhammeystirin mashruuca biyo xereenka waana midda keentay in dhaqaalaha laga jarto.

Mareykanka ayaa diidaya iney Itoobiya dagaallo hor leh gasho maadaama ay u muuqato mid qowmiyado usii kala tageysa wuxuuna doonayaa ineysan isku dhicin iyaga iyo Masaarida.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*