Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Ciidamada Al-Shabaab oo Weerarro Ka Fuliyay Sh/Hoose.

Ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro ku ekeeyay fariisimayaal ay ciidamada Shisheeye iyo kuwa DF, ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa weerarkii ugu horeeyay xalay fiidkii marti geliyay ciidamada Uganda ee heysta Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha halkaasoo ay muddo nus saac ka badan ka shanqareysay rasaasta.

Sidoo kale waxaa qarax lala eegtay ciidamo kale oo u dhashay Uganda islamarkaana lugeynayay meel u dhow degaanka Danow oo hoos taga degmada Qoryooley.

Qaraxan ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro ka tirsan askarta Uganda, walow aanan wali helin tafaasiil intan kasii hooseysa.

Intaa waxaa dheer oo xalay weerar lagu qaaday ciidamo kale uu kamid ah kuwa Uganda ee soo duulay oo ku sugan degmada Jannaale ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa dhowr jiho looga soo qaaday shisheeyahan sida aan kasoo xiganay dadka degaanka.

Habeenkii xalay waxa kale oo ay ciidamada Mujaahidiintu weerareen askarta DF ee joogta Lafoole gaar ahaan shanta tiir walow aan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si joogto ah u weeraraan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF taasoo keentay in dhinacyadaasi ay godad ku ururaan kuna adkaato iney helaan taakulada ama sahayda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*