Aflaam, Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Dhegeyso Bulshada Gedo oo sheegay in aanay lahayn dowlad kenya ka difaacda.

Iyadoo shalay magaalooyinka waaweyn ee Gobalka Gedo ay ka dhaceen dibad baxyo balaaan oo looga soo horjeedo dil iyo afduub kenya ka geysatay deegaan gobalka ka tirsan ayay Bulshada isu soo baxay sheegeen in kenya cadaw tahay ayna u istaagtay in ay ay reer Geo xasuuuqdo.

Waxay sheegeen in kenya ka aargaduneyso bulshada Gedo ku dhaqan Madaama Deegaanka Ceel Cadde 2016-kii ciimadeeda lagu xasuuqay xasuuqaas oo ay geysatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka Jihaada geeska Afrika.

Dibad baxayaashu waxay sheegeen in aanay lahayn Dowlad Kenya ka difaacda iyadoo iyagoo eedeyn u jeediyay Maamulka federaalka ah iyo kan Goabalka Gedo.

Kenya ayaa sanaihii la soo dhaafay waxay xasuuqyo ka geysatay deegaano ka tirsan Gobalka Gedo iyadoo dad iyo duunyaba ku laysay.

Halkaan ka dhegeyso codadka reer Gedo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*