Aflaam, Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Weerar hor leh oo Janaale ka dhacay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Galabta weerar ku ekeeyay Askarta Dowladda Federaalka ah ee fariisinka ku leh Janaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Diryaanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay goobta la isku farsaaray iyo nawaaxigeeda.

Alshababa ayaa sida muuqata dagaalka ugu diyaar garawday maadaama asakrteedu aanay dhufeysyo ku jirin oo ay yihii kuwo waqtigay doonaan dagaalka geli kara ama beegsa kara cadawgooda.

Wixii khasaara ah ee ka halkaa ka dhashay xog dhameystiran kama helin waxaase xusid mudan in Janaale marar kala duwan lagu laayay askar ka tirsan kuwa soomaalida ah ee shisheeyaha la shaqeeya.

Dhinaca kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay Gobalka Shabeellaha Hoose ka fuliyay weeraro xoogan oo ka dhan ah ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda federaalka.

Weerarada oo ahaa kuwa safballaaran ah ayaa lagu ekeeyay difaacyada ciidamada shisheeye ee Uganda ay ku leeyihiin deegaanada Arbacow, Nambar 60, Buufow iyo Buullo mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ah, waxaana jira khasaare welow aanaan faah faahin dheeri ah ka helin.

Sidoo kale goobaha la weeraray xalay waxaa ka mid ah fariisimo ciidamada dowladda federaalka ah ku leeyihiin Marka, Janaale iyo deegaanka calamada.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*