Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso Maraykanka iyo ciidamada uu adeegsado oo shacab ku xasuuqay Shabeelahahoose.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Banakaraaf ee uu ku shaqeysto ayaa shalay duulaan ku tegay Deegaanka leego ee Gobalka Shabeelaha hoose waxayna halkaa ku xasuuqeen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa xoolaha lagu iibiyo ee deegaankaasi.

Sida ay goob joogayaal sheegayaan ciidanka ayaa si kadis ah ku soo galay suuqa kadibna waxay bilaabeen in ay dadka layaaan.

Ugu yaraantii toban ruux ah oo shacab Muslimiin ah ayya marayaknaka iyo saxiibadiisu ku dileen deegaanka leego.

Cumar Calasow Aadan oo xaaskiisu ka mid ahayd toban ruux ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in askarta weerarka ku soo qaaday aad u hubeysnaayeen.

Magacyada dadka la dilay ayuu ka xusay Cabdullaahi Yuusuf Cabdi, Aadan Cali, maxamed Cumar, iyo ninkale oo la yiraahdo Indha buur iyo Xaaskiisa oo la oran jiray billaay Rooble Muumin.

Wareysiga oo la qaaday saacado kadib xasuuqa ayuu Cumar Calasow Aaadan ku sheegay in ay diyaarinayaan qabriyadii ay dadka la laayay ku aasi lahaayeen,

Maryakanka iyo Ciidamada Soomalida ah ee uu ku adeegto ayaa ku caan baxay Xasuuqa dadka Maatida ah.

Sanadihii la soo dhaafay marar kala duwan ayay ku gumaadeen dad rayad ah taasuna waxay meesha ka saareysaaa sheegashadooda ah in ay la dagaalamaan oo kaliya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Halkaan ka dhegeyso wareysiga xasuuqa leego ka dhacay

ISHA XIGASHADA MAQALKA RADIO ALFURQAAN

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*