Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Ciidanka puntland oo ganacsade ku dilay Garowe.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Maanta gudaha Magaalada Garowe ku dilay nin ka mid ahaa ganacsade iyo wax garadka Magaalada oo la oran jiray Saciid Cabdulqaadir Aw Yuusuf.

Ciidamada ayaa iska tegay meydka oo yaalla halkii dilku ku dhacay mudda kadibna bulsahda deeganka ayaa qaaday meydka ganacsadaha.

Askarta dilka geystay ayaa ka tirsanaa kuwa canshuuraha ee Maamulkaas kuwaasoo dhibaato ku haya Bulshada deegaanka.

Askarta ayaa la sheegay in ay murmeen Ganacsade kale oo ay ka doonayeen lacagta qori caaradiisa lagu qaaado ee canshuurta la yiraahdo.
Ismaandhaafka ayaa keenay in ciidamadu rasaas furaan taasoo haleeshay ninkaan ganasadata iyo waxgaradka deegaankaba ak tirsanaa.

Maamulada shisheeyaha xariirka la leh ee Soomaaliya ka jira nafta Bulshada ay Maamulaan waxaa kaga muhiimsan lacagta baadda ay ee ay ka qaadnayaan waana midda keeneysa in Meelo kala duwan si bareer ah loogu dilo dadka gancsata ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*