Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Taliyihii sirdoonka degmada howl wadaag oo qarax lagu dilay.

Taliyihii ciidamada Sirdoonka Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ee Dowladda federaalka ah oo la oran jiray Caano geel ayaa maanta ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha waxaa la dhintay xubno kale oo ay isku shaqo yihiin oo ilaalo u ahaa,waxaana goor dambe goobta laga qaaday meydadkooda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka loo geystay sarkaalkaan iyo saaxiibadiisa isku shaqada ahaa oo ka dhacay deegaanka balaag sii.

“Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen Black Sea waxay ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa sirdoonka kooxda Riddada iyo 2 askari oo ilaala u ahaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxa lagu dilay sarkaalkaan iyo ilaaladiisa waxaa si weyn looga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Dowlada federaalka ah iyo kuwa shisheeye ee Caasimadda ku sugan oo awalba keeb la yuruur ahaa ayaa xaaladda sii adkeeyay iyadoo qolo waliba aaminsan tahay in iyada lagu soo maqan yahay.

Dhinaca kale xalay weeraro is bar bar socda ayaa xalay ka dhacay Magaalada saldhigyo ciidamada shisheeye iyo kuwa soomaalida ah ee la shaqeeyaa ku leeyihiin gobalada Dalka qaarkood.

Ciidamada Alshaabab oo aad u hubeysan ayaa dagaal ula bareeray Ciidamada Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Janaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Sidoo kale Askarta Alshabaab waxay beegsadeen laba isbaaro oo Dowladda federalaka ah u yaala degmada Afgooye ee deriska ah la muqdisho.

Sidoo kale Alshabaab kale oo iyaguna dagaal u diyaar garoobay ayaa mar qur ah maarta ku bilaabay ciidamada Dowladda federaalka ah iyo kuwa Jubba land ee ku sugan deegaanak Baar sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*