Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Gaari la qarxiyay iyo askartii saarnaa oo le’atay

Ugu yaaraan sagaal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa dhimatay gaarigii ay saarnaayeena waa gubtay kadib markii Maanta Qarax ku haleelay deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Gaariga ayaa ahaa nooc Xamuulka ee Ciidamadu Isitcmaalaan waxaana la aamisan yahay in khasaaruhu intaa ka badan yahay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan oo sida muuqata ahaa mid culus maadaama uu khasaare balaaran geystay.

Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha hoose waxaana xusid mudan in Awdheegle iyo nawaaxigiisa in xiliyadii ugu dambeeyay iska hor imaadyo ka dhacayeen.

Gobalka shabeelaha hoose wuxuu ka mid yahay Gobalada sida is daba jooga ah ay weeraro uga dhacayeen habeenadii iyo maalmihii iyo bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay waxaana ciidamada shsiheeye iyo kuwa Dowladda federaalka ah lagu gaarsiiyay khasaaroooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo baa ‘ba’ hantiyeed leh.

Shabkadda Warbaahinta Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*