Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Ciidamada Itoobiya ee Baardheere jooga oo la weeraray.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weerar ku qaaday askarta Amxaarada ee fariisimaha ku leh Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Diryaanka hubka noocyadiisa duwan laga maqlayay goobta Axmaarada lagu weeraray iyadoo in mudda ah dagaalku socday.

Waxaa la aaminsan yahay in Itoobiyaanka halkaa khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay iyadoo sidaan oo kale Itoobiyaanka marar badan oo sidaan oo kale loogu beegsaday dhufeysyada ay sugan yihiin.

Weeraradii xiliydii hore ka dhacay  Baardheere  waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac waxaana hadba Itoobiyaanku ku daad gurey jireen diayarado nooca qumaatiga u kaca ah.

Alsahabab ayaa sii xoojisay dagaalada ka dhan ah Shisheeyaha Dalka ku soo duulay iyo Soomaalida la shaqeysa.

Shabakadda warbaahinta Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*