Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Dagaal Xalay lagu qaaday Ciidamada Burundi ee shabeelaha dhexe jooga.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay weerar ku qaaday Ciidamada Burundi ee Gobalka shabeelaha dhexe fariisimaha ku leh qaarkood.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig ciidamada Burundi ka sameysteen Tuulada ilbakh oo u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Diryaanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay dhufeysyada askarta Burundi waxaana la aamisan yahay in khasaare la gaarsiiayy welow aynaan faah faahin badan ka helin.

Geesta kale laba askari oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliyaiaydoo mid kale oo la joogayna la dhaawacay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliaydda dilka iyo dhaawaca, waxayna intaa ku dartay in howl galkaan oo ka dhacay degmada wardhiigley ay ku furatay qori aake ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*