Kaydka Sawirada, Maqaallo, Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Dibadda, Wararka Gudaha

Labo Gaari oo Kenya Looga Gubay Duleedka Mandheera.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar ay Xarakada Al-Shabaab shalay galinkii dambe ka geysatay dhulka Soomaaliyeed ee ay Keynya heysato kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Nooca weerarka oo dhabba-gal ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq Kenya gobolka Mandheera, waxaana Kenya looga dilay askar kuwa kalana waa looga dhaawacay iyadoo sidoo kale laga gubay labo gaari oo uu noocoodu yahay Koyal.

Ciidamada la weeraray oo ahaa Bolis ayaa awoodi waayay iney wax iska caabin sameeyaan, waxaana ilo lagu kalsoonyahay ay ku waramayaan in ciidamada Al-Shabaab ay halkaasi ku furteen hub kala duwan.

Xarakada Al-Shabaab, waa ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, laakin waxaan dhanka kale aanan wax hadal ah soo saarin dowladda Kenya. Weerarada noocan ah ayaa joogto ka ah gudaha dalka Kenya iyo dhulka Soomaalida ee ay heysato intaba.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*