Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Askar la dilay, gaadiid la gubay iyo kuwo lala wareegay.

Ugu yaraan sadax askeri oo ka tisana Dowladda federaalka ah ayaa dhimatay kadib markii Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin xalay weerar ku qaadeen sadax xero oo ku yaalla Deegaanka Jasiirka ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Askarta Dowladda federaalka ah ayaa mudda kadib cagaha wax ka dayay waxayna taasu sababtay in Ciidamada Alshabaab la wareegaan gacan ku haynta xeryaha.

Sadax ka mid ah Gaadiidkii Ciidamada Dowladda federalaka ah ayaa goobta lagu gubay halka laba kalena iyagoo fayow ay ka xaysteen askarta duulaanka ahaa ee Alshabaab.

Deegaan xeebeedka Jasiirka oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose waxay xeryaha ciidamada ee ku yaalla ka mid yihiin Diifacyada ay muhiimka u aragto Dowladda federaalka ah.

Shabakadda Warbaahinta Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*