Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Gaari la gubay iyo askartii la socatay oo le’atay

Sarkaal iyo shan askeri ayaa ku dhintay inta u dhexeysa magaalada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe iyo Deegaanka Basro ka gadaal markii Gaarigii ay la socdeen uu qarax haleelay.

Gaariga ayaa la sheegayaa in uu lahaa Gudoomiyaha degmada Balcad waxaana wararku tilmaamayaan in xiligaa aanuu la socon sida muuqatana hadafka asiga ayuu ahaa.

Degmada Balcad, Muqdisho, Basro iyo deegaano kale ayaa si weyn looga hadal hayaa qaraxaan khasaara badan ee nafta iyo Maalkaba leh geystay.

qaraxaan waxaa geysatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jirta Shisheeyaha Dalka ku soo duulay iyo Maamulada Soomaaldia ah ee la shaqeeya.

Shalay Basro agagaareedka waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*