Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Saraakiil lagu dilay howl galo ka dhacay gudaha dalka.

Xarakada Shabaaabul Mujaahidiin ayaa howl galo kala dhacay duleedyada muqdisho iyo Baydhabo waxay ku dishay saraakiil Muhiim u ahaa Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Gobaleedka kofur galbeeed.

Shire Barshe oo ka mid ka tirsanaa Saraakiisha BooliisFederaalka ah ayaa dhintay duleedka mqudisho gaar ahana agagaarka ceelasha Biyaha ka gadaal markii ay toogteen Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dhanka kale dagaal jid gal ah ayaa Maanta ka dhacay inta dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo Deegaanka Daynuunaay oo dhanka bari ka xiga waxaana lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa koofur galbeed.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ayaa dhabaha u istaagay askarta Maamulkaan oo ka mid ah kuwa la shaqeeya shisheeyaha gaar ahaana ciidmada Itoobiya.

Khsaare ayaa halkaa lagu gaarsiiyay waxaana la xaqiijayay in Maamulka Koofur galbeed laga dilay sarkaal la oran jiray Isaaq shaaamow.

Waxaa suura gal ah in khasaaruhu aad u balaaran yahay laakiin xogta aan helnay ilaa iminka waxay xaqiijineysaa geerida sarkaalkaan.

Alshabaab ayaa sii xoojiyay weeraradooda ka dhan ah Shisheeyaha iyo Ciidamada Maamulada la shaqeeya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*