Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso Beelaha Xawaadle iyo Murasade oo heshiis Diyo kala qaadasho gaaray

Munaaasabad ka dhacday Magaalada Magaalada Baq aqable ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu shaaciyay heshiis Beelaha Xawaadle iyo Murusade ka gaareen xurguf hore oo sababtay in ay dad kala dilaan.

Daah ka rogiddda heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Waaliga Galguaduud Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid iyo Waaliga Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan.

Beelaha ayaa ku heshiiyay in ay kala qaataan Geel boqolaal ah iyadoo qayb Diyada ka mid ah durba la bixiyay.

Ugaaska Beesha Murusade Cabdullahai Daahir Axmed iyo Nabadoonka beesha Xawaadle Xaajji Cabdiraxmaan xiiray Barre ayaa goobta ka jeediyay kelemaad Muhiim ah waxayna sheegeen in ay ka heshiiyeen dhibaatooyinkii hore u dhacay.

Sidoo kale Waaliga Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo Waaliga Galgaduud Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid ayaa geestooda Munaasabadda ka jeediyay dardaarano muhiim ah.

Halkaan ka dhegeyso qodobada Heshiiska Xawaadle iyo murusade

Halkaan ka dhegeyso Codka Ugaaska Murusade

Halkaan ka dhegeyso Codka Nbadoonka Xawaadle

Halkaan ka dhegeyso Codka Waaliga Galgaduudcabdulaahi abuu khaalid 

Halkaan ka dhegeyso Codka Sheekh Guuleed abuu nabhaan waaliga Hiiraan

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*