Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qarax askar lagu dhaawacay iyo askeri fagaare lagu toogtay.

Ugu yaraantii Lix askeri ayaa ku dhaawacantay kadib qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne kuwaasoo ka tirsan  Dowladda Federaalka ah.

Qaraxa oo xalay dhacay ayay suura gal tahay in khasaaraha uu geystay intaa uu ka balaaran yahay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa geysatay Qaraxaan lala beegsaday Ciidamadaan shisheeyaha wada shaqeynta la leh.

Waxa uu qaraxau ku soo aaday iyadoo shalay Deegaanka Booco oo Magaalada Beledweyne 50 kiilow mitir dhanka koofureed xiga lagu toogtay askeri ka tirsanaa Dowaldda Federaalka ah.

Askerigaan oo la oran jiray cabdiweli Cumar Cabdi  ayaa tababar ku qaatay Magaalada Muqdisho waxaana Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigtay asigoo safar ku jira oo u socda deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan.

 

Ciidamado si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa fuliyay falka toogashada ah ka gadaal markii qaadigu ku dhawaaqay in xukunka askerigaanu dil yahay.

Dadweyne fara badan oo goobta joogay ayaa mar qura ku dhawaaqay Taktiirta.

Odayaasha dhaqanka Islaamiga ah ee Hiiraan ayaa askarta Sooamalida ah ee shisheeyaha la shaqeysta gaar ahaan kuwa u daacadda ah Itoobiyaanka Hiiraan ku sugan ugu baaqay in ay ka baxaan garabka shisheeyaha ah oo ay iska daayaan ficilada lidka ku ah Diinta Dalka iyo Dadka.

Waxay sheegeen in ay dhibsanayaan in ay askartaanu ku dhintaan iyagoo shisheeyaha ka bar bar dagaalamaya sidaa aawgeedna ay u soo jeedinayaan in ay ka baxaan shaqada xun ee ay ku jiraan.

Warkaasi waxaa sheegay Afhayeenka Oyadaasha Hiiraan oo Nabadoon Cali Saabuun oo warbaahinta la hadlay.

Shabkabadda Warbaahinta Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*