Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Alshabaab oo laysay in ka badan in 23 isugu jira askar iyo saraakiil

ugu yaraanta 24 ka askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah kuwaasoo sadax ka mid ahu saraakiil ahaayeen ayaa ku dhintay duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose kadib markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin shalay galab la beegsaday Dagaal Jid gal ah.

Meydadka Ciidamada Dowaldda federaalka ah ayaa la dhigay meelo isu muuqda waxaana intii dagaalku socday sidoo kale la dhaawacay 32 askeri oo kale oo ayaguna ka mid ahaa ciidamada kamiinka loo dhigay ama dagaalka lala beegsaday.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaalka ku gubtay qaarka mid ah Gaadiidkii ay wateen Ciidamada la laysay goobta ayuuna ku bas beelay.

Ila xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Ciidamada Dagaalkaan fuliyay ee Alshabaab ka tisanu furteen hub iyo Saanad kale oo ciidamada Dowladda federaalku lahaayeen.

Khasaaraha Balaaran ee ka dhashay dagaakaan ayaa si weyn looga hadal hayaa Muqdisho ,Afgooye iyo gud ahaan Gobalada Dalka.

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarada ay la beegsaneyso Shisheeyaha iyo Soomaalida la shaqeysa.

Bilihii iyo Maalmihii u dambeeyay waxay qaaday Dagaalao badan oo ay khasaaare lixaadle ku gaarsiiyay shisheeyaha iyo saaxiibadiisa Soomaalida ah.

Shabadda Amiiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*