Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Howlgallo Kala Duwan Oo Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya Iyo NFD.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Malatariga Xarkaada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Dhulka NFD oo ay Soomaaliada leedahay.

Mujaahdiinta ayaa beegsaday saldhigan oo ku yaala degmada Lafeey ee gobolka Mandheera.

Dagaalka ayaa loo adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona kenyatiga khasaaro la gaarsiiyay.

Inta la xaqiijiyaay weerarkaas waxaa lagu dhaawacay 3 katirsan ciidamada Kenya iyadoona saldhiga la weeraray uu soo gaaray khasaaro maaliyadeed.

Diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ayaa ku degtay saldhiga taasoo daabushay dhaawacyada askartii kenyatiga ahaa.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxey weerar culus ku qaadeen ciidamada Shisheeye ee Kenya ee jooga degaanka Huzingow ee gobolka Jubada hoose.

Dagaalka ayaa dhacay habeenkii xalay wexeyna mujaahidiinta Al-Shabaab si gaar ah u beegsadeen saldhig ay Kenyaatiga halkaas ka sameysteen.

Dhanka kale guutada qaraxyada ee Mujaahidiinta Al-Shababaab ayaa qarax xoogan la beegsaday gaari ciidan oo ay saarnaayeen ciidamada Dowladda federaalka.

Gaariga oo uu nuuciisu ahaa Bijii ayaa markii la qarxinayay ku socdaalayay duleedka degmada Awdheegle ee shabeellaha hoose.

Gaariga ayaa gabi ahaanba burburay iyadoona dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dhamaan askartii saarneyd ee katirsanaa Dowladda federaalka.

Qarxan ka dhacay duleedka Awdheegle ayaa imaanaya xilli maalintii doraad qarax ay mujaahidiinta ku gubeen gaari cabdi bile ah oo mararayay inta u dhexeysa degaanada Biya cade iyo Ceelbaraf ee Shabeelaha dhexe kaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen sagaal askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

XIGASHO RADIOALFURQAAN.COM

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*