Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Ciidamada Burundi oo 8 Caruur ah agoon iyo habaro ka dhigay.

Ciiidamada Burundi ayaa Maanta deegaanka Buurane ee Gobalka Shabeelaha dhex ku dilay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka ka gadaal marki ay gurigii ay deganeyd ugu galeen.

Burundeyska ayaa xabadaha qori baaska u dhaca ee daba jeexa ku shaq shaqey haweeneyda goor dambe ayayna isaga tageen iyadoo Meydka ah.

Dadka Deegaanka oo ehelkeedu ku jiro ayaa goor dambe Meydka aasay iyadoo wejiyadooda Murug badan laga dareemayo kana xun ficilkaan dulmig aha ee Shisheeyuhu ku kacay.

Haweeneydaan ayaa ahayd hooyada sideed Caruur ah oo aabahaood isla Degaankaan Buurane cCidamada Burudi horay ugu dileen.

Caruurta ayaa iminkaa agoon iyo habaro ah waxaana waalidkood sababsaday cCidamo Shisheeye oo Dowladda Federaalka ah iyo Shisheeyaha soo dhisay ku doodayaan in ay nabad gelyada ka shaqeynayaan waa sida hadalka loo dhigo’e.

Ficilkaan Ciidamada Burundi waxay ku kaceen waxyar uun kadib markii qarax lagula beegsaday Isla deegaanka Buurane loogana gubay Gaari gaashaaman ah ugu yaraana 2 askeri looga dilay.

Qaraxaas khasaaraha geystay waxaa Mas’uulyaddiisa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo horay marar kala duwan u laysay qaarka mid ah Ciidamada Shisheeye oo kuwa Burundi ka mid yihiin

Ciidamada Shisheeye ayaa ku caan baxay in markasta oo la waxyeeleeyo ay ka aargutaan dadka Maatiga ah sida Haweenka Caruurta iyo Odayaasha da’ ah ee ulaha ku kutubaya.

Shabakadda Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*