Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dagaalo xoog leh oo Itoobiyaan lagu dilay.

Ugu yaraantii lix askeri oo Itoobiyaan ah ayaa shalay gelenkii dambe lagu dilay duleedka Magaalada Diinsoor ee Gobalka Baay kadib dagaal halkaa ku ka dhacay oo u dhaxeeyay iyaga iyo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Laba ka mid ah lixda Itoobiyaanka ah ee Dhintay waxaa la sheegayaa in ay Saraakiil ahaayeen.

waxaana xusid mudan in lix kale oo Ciidamada Itoobiyaanka ka tirsanu dhaawacmeen welow ay suura gal tahay in khasaaruhu intaa ka bada yahay.

Ciidamada Itoobiyaanka waxaa wehlinayay oo dagaalku geestooda ka qabsaday kuwa Soomaali ah oo in mudda ah garabsiinayay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa go’doon ku haysa Axmaarada joogta Diinsoor iyo Deegaanada kale e Baay iyo Bakool ka tirsan.

Geesta kelana xalay dagaal xoog leh oo Itoobiyanaka lala beegsaday ayaa Xalay ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Ciidamada Xarakada Shabaababul Mujaahidiin ayaa jihooyin kala duwan ka weeraray Itoobiyaanka, diryaanka hubka ayaana si aad looga maqlayay saldhigyadooda.

Xog dheeraad ah kama aynaan helin inta u la eg yahay haddii khasaare gaarqy Ciidamada la weeraray.

 

Shabbadda amiirnuur.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*