Uncategorized

Weeraradi ugu damabeeyay gudaha Soomaaliya iyo khasaarihii ka dhashay

Dagaalo qarax ka dhan ah Ciidaamda Shisheeye iyo kuwa Maamulada Soomaalida ah ee wada shaqeynta la leh ayaa saakay, xalay iyo shalay ka dhacay qaarka mid ah Gobalkada Koofurta Soomaaliya

Dagaalo Baay ka dhacay oo khasaare sababay.

Ugu yaraan hal askeri ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Dagaalka ayaa ka dhacay koontarool Magaalada Afkeeda ku yaal waxaana Alshabaab oo weerarka qaaday ku furatay qori aake ah iyo Boosh.

Geesta kale saakay Ciidamaa Alshaab waxay weerar kulal jermaadeen Ciidamaa Maamulka koofur galbeed ee ku sugan saldhiga Magaalada Qansax dheeree isla Gobalka Baay.

Waxaa la sheegayaa in Alshabaab la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga iyadoo ay cagaha wax ka dayeen ciidamadii ku sugnaa.

Ma ogin inta uu la eg yahay haddii halkaa Khasaare ka dhashay.

Dagaal lagu qaaday Itoobiyaanka Baardheere jooga.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaadiin waxay xalay weerarku qaadeen Ciidaamda Itoobiya ee fariisimaha ku leh Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Dagaal mudda socday ayaa dhexmaray labada dhinac xog dheeraad ahna kama helin haddii kahsaare ka dhashay.

Dagaal Saaka ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Ciidamada Alshabaab ayaa saaka weeraray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federalaka ah ee fariisinka ku leh deegaanka Baar sanguuni ee duleedka Magaaalda Kismayaao.

Diryaanka hubka labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa laga maqlayay deegaanda kaabiga ku haya halka lagu dagaalamay.

In mudda ah ayuu dagaalku socday mana aynaan helin inta uu la eg yahay Khasaaraha ka dhashay,

Deegaanka Baar sanguuni waxa uu ka mid yahay fariisimaha dagaalada Is daba jooga ahu ka dhacayaan waxaana ciidmada fariisimaha ku leh lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan.

Daagalo shabeelaha hoose ka dhacay

Dagaalo is barbar socda ayaa xalay ka dhacay fariisimo Ciidan oo ku yaala deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose .

Ciidamada Xaraka Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday dhufeyso Ciidamada Shisheeye iyo Dowladda federaalaku ku leeyihiin Janaale oo deris la ah magaalada Marka.

Sidoo kale Ciidamada Degan Awdheegle oo isla Shabeelaha hoose ka tirsan ayaguna waxay la kulmeen hujuum ama weerar qorsheysan oo kaga yimid dhanka Alshabaab.

Laynooma soo werin wax khasaara ah oo dagaaladaan ka dhashay welow ay suura gal tahay in dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan.

KHASAARAHA KA DHASHAY QARAX IYO WEERAR JUABDA HOOSE KA DHACAY.

Ugu yaraantii 4 askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland midkoodna uu Sarkaal ahaa ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.

3 kale ayaa la xaqiiyay in ay dhaawacmeen qaraxaas ooa y geysatay Xarakada Alshabaab.

Qaraxa waxa uu dhacay saacado kadib markii dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada cabdalla Biroole iyo Yaaqraar ee duuleedka Kismaayo Ciidamada Jubba land askeri looga dilay mid kalena looga dhaawacay.

Askeriga la dilay waxaa looga furtay qori iyo Boosh waxanna suura gal ah in khasaaruhu inta ka badan yahay.

Shabakadda Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*