Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso Roob dabeylo iyo kuleyl wata oo guryo dumiyay dadka qaarna suuxaan.

in badan labaatan guri ayaa dumay kadib markii markii shalay Roob dabeylo wata oo xoogan ka da’ay deegaanka Boos Hareeri oo hoos taga Degmada Aadan yabaal ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

jiingangadaha qaar ee guryaha dumay ayaan weli dadku dib u arkin maadaama ay hawada u duuleen xiligii dabeyluhu socdeen.

dadka deegaanku waxay sheegayaan in sidoo kale ay ruqeen ama xidadu u baxeen Geed weyn oo hareeri ah oo tuulada magaceedu ka soo askumay iyo Geedo kale oo kuwa Geed hinga ama talaalka loo yaqaan ah.

waxay intaa ku dareen in ay dareemeen kuleyl ayna maqleen shanqar argagax abuurtay dadka qarna ay suuxeen welow aanay jirin cid dhimatay.

dhinaca kale waxay sheegayaan Bulshada Deeegaanku in Roobka ay aad ugu baahnaayeen uuna ahaa mid xoog leh oo beeruhuna ku bixi karaan duunyaduna ku diirso karto.

Halkaan ka dhegeyso nin Boos hareeri jooga.

Cod kaan waxaan ka soo xigay Idaacadda Alfurqaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*