Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraro khasaare geystay oo Gobalka Baay ka dhacay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ku taala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Qaarka mid ah Ciidamada Maamulka Koofur galbeed ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka inkastoo aanaan helin tirada rasmiga ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay Koontaroolka Makunda waxaanuu ku soo aadayaa xilli dhawaan dagaal caynkaan oo kale ah lagu qaaday Koontarool kale oo isla Baydhabo ku yaala kaasoo ciidamada Koofur Galbeed khasaare lagu gaarsiiyay.

Dhinaca kale shalay Xarakada Alsababaab waxay weerartay fariisin Ciidamada Maamulkaan koofur Galbeed ku leeyihiin Magaalada Qansax dheere ee isla Gobalka Baay.

dadka dagaalka lagu dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal la oran jiray Cali Mad yaroow, kaasoo deegaanka caan ka ahaaa si buuxdana ula shaqeynayay Ciidamada Itoobiya ee haysta Gobalka Baay gaar ahaana Qansax dheere.

Sidoo kale waxaa jira askar iyo Saraakiil Dagaalka lagu dhaawacay waxaana Saraakiisha dhaawaca ah ka mid ah Nin la yiraahdo Xasan Eylow.

Shabakadda amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*