Iyadoo la ogsoon yahay in dowlado badna oo carbeed ay xiriir wada shaqeeneyd la leeyihiin maamulka Yahuuda ee xoogga ku heysta dhulka Barakaysan ee Qudus, ayaa haddana waxaa jirta in maamulkaasi uu daaha ka rogay siro badan oo xiriirkaasi ku saabsan. Wasiirka Tamarta maamulka Yahuudda ninka lagu magacaabo Yofaal ayaa sheegay […]
Other News
Askar Ka Tirsan Ciidamada Gaarka Ee DF oo Lagu Dilay Wardhiigley.
Weerar habeenkii xalay ka dhacay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley ayaa waxaa habeenkii xalay lagu dilay sadax askari oo ka tirsanaa ciidanka (Xasilinta) halka sadax kale lagu dhaawacay. Ilo ka ag-dhawaa goobta ayaa laga soo xigtay weerarku uu u dhacay si xirfadeysan oo gaadmo ah taasoo keentay in khasaarahaas […]
Daawo: Xildhibaan Odawaa “Dhiibista Qalbi Dhagax Waxay Lamid Tahay Qaranka oo La Dhiibay”
C/raxmaan Odawaa oo kamid ah Xildhibaano badan oo kulanka Baarlamaanka ka jeediyay khudbado kulul ayaa sheegay in tallaabadii ay DF ku dhiibtay Qaldhi dhagax ay ka dhigan tahay iyadoo la dhiiban madax bannaanidii dalka. Waxa uu sheegay in madaxda DF aanan lagu aamini karin mas’uuliyad marba haddey muwaadin Soomaaliyeed inta […]
Qaramada Midoobay oo Imaaraadka Ku Eedeysay Iney Jabineen Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay islamarkaana carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci darro hub uga iibisay ama ugu geysay qaar ka mid ah maamulada dalka ka dhisan, taasina […]
Francisco Madeira: “AMISOM Waxay Ka Baxayaan Magaalooyin Ka Tirsan Soomaaliya”
Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo socdaal ku tagay saldhigga cidamada Amisom ee Baraawe ayaa sheegay in shisheeyuhu ka baxayaan magaalooyin ka tirsan dalka, socdaalkiisuna uu ku qotomo qiimeynta arrintaas. “Qorshan wuxuu qeyb ka yahay dadaallo qiimeyn ah oo ladoonayo in Ciidamada AMISOM ay uga baxaan […]
IGAD oo Nayroobi Ku Wada Hadalsiineysa Xaaf iyo Shaakir.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nayroobi ee caasimadda wadanka Kenya ayaa sheegaya in urur goboleedka IGAD uu magaaladaasi ku wada hadal siinayo Axmad Ducaale Xaaf oo ah hogaamiyaha Galmudug iyo Axmad Shaakir oo ah hogaamiyaha ururka Suufiyada ee Guriceel. Labada dhimac ee la kulansiinayo ayaa markii loo yeeray kadib waxay […]
Dhageyso Diiradda Jimcaha oo Lagu Lafa Guray Mowduuc Muhim Ah.
Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqan, waxaa lagu falanqeeyaa mowduuc muhim ah. Usbuucan waxaa lagu lafa guray oo looga jawaabay (8 bilood kadib maxaa ka hir galay ballan qaadyadii madaxweyne Farmaajo) Martida: 1-Sh/Jaamac C/salaam 2- Sh/C/raxmaan Firin 3-Sh/Jaamac Aadan […]
In Ka Badan 10 Qof oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Tanzaaniya.
Wararka ka imanaya dalka Tanzaaniya ayaa sheegaya in ugu yraan 11 ruux ay dhinteen kaddib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen oo ay lahayd sharikadda Dalxiiska ee Coastal Aviation. War qoraal ah oo lagu daabacay Website-ka Sharikadda dalxiiska ee Coastal ayaa lagu sheegay in 10 qod oo rakaab ah iyo duuliyihii dayuuradda […]
Dagaal Caawa Ka Socda Baraawe.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigga ay ciidamada Amisom ku leeyihiin illinka laga galo magaalada Baraawe ee loo yaqaano Ambareeso. Dagaalkan oo la isku adeegsanayo ayaa kusoo aday xilli uu maanta ra’iisulwasaare Kheyrre booqday magaalada islamarkaana uu garoonka diyaaradaha macmalka ah kula kulmay duqeyn ka imanaysay Xarakada Al-Shabaab. […]
Maryama Qaasim oo Iska Casishay Wasaaraddii Ay Madaxda Ka Ahayd.
Drs Maryama Qaasim ayaa goor dhow iska jagadii ay ka heysay xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre oo ahayd wasaaradda gargaarka iyo musiibooyinka Qaranka. Inkastoo aaney wali Maryan qaban shir jaraa’id ayaa waxay haddana arrintan u xaqiijisay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ka gaabsatay iney faahfaahiso ujeedada […]